Akhri: Daraasad Koobsanaysa Tayada Shaqaalaha Telesom iyo Adeeg Wanaag lagu Majeertay oo ay soo Bandhigtay

0
Monday January 04, 2016 - 08:36:49 in by salman abdi
  • Visits: 4367
  • (Rating 2.7/5 Stars) Total Votes: 89
  • 2 2
  • Share via Social Media

    Akhri: Daraasad Koobsanaysa Tayada Shaqaalaha Telesom iyo Adeeg Wanaag lagu Majeertay oo ay soo Bandhigtay

    Dhinaca Somaliland ganacsiga ka jira waxaa ugu horeeya Shirkada Telefoonada ugu weyn ee TELESOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhinaca Somaliland ganacsiga ka jira waxaa ugu horeeya Shirkada Telefoonada ugu weyn ee TELESOM.

Ganacsigu wuxuu kamid yahay nimcooyinka alle aadamaha ugu qurxiyay nolasha adduunka, waana hananka u saamaxay inay wax is dhaafsadaan oo tacaamulo yeeshaan iyagoo kala jooga dhul kala durugsan, hadba marxalad iyo heerar kala duwan ayuu u soo gudbaayay, iyadoo higsiga aqooneed iyo helida xadaaraduhu sii sahlayeen. Dhinaca qoomiyada Soomaalidu waxay tariikh dheer oo facweyn ku leedahay ganacsiga, in kasta oo hanaqaadka baayac mushtariga Soomaalidu ku hagaasay hantaqooyin kala duwan oo hadheeyay wixii ka horeeyay qarnigan 21-aad, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Ilbaxnimadii iyo kacaanadii warshadaha ee rer Galbeedka oo qayb gumaysigooda kamid ah u adeegsan jiray in aanu kobcin ganacsiga Soomaalida iyo guud ahaan Afrika,  iyo dagaalada ku soo noq-noqda dhulka ay Soomaalidu degto oo gaabis galiyay, hadana guud ahaan meel kasta oo ay dadka Af-somaaliga ku hadlaa  jogaan waxay caan ku yihiin Bulshadii xadaarada ganacsi garaadka u lahayd.

Hadaynu u soo degno dulucda maqaal keena, oo daaran daraasad aanu ku samaynay sherkada ugu tayada wanaagsan dhinaca shaqaalaha, ama korranaanta qofnimo, sida cilmiga, khibrad, dhibirsanaanta, kalsooni ku qabka shirkadda,  I.W.M. Afka qalaadna aynu ku soo gaabino. (Human resources). Dhinaca Somaliland ganacsiga ka jira waxaa ugu horeeya Shirkada Telefoonada ugu weyn ee TELESOM. Shirkadan oo qaybteeda ugu wayni tahay  adeegyada Telefoonada, Internetka iyo  Zaadka. Hadana waxaa jira TELESOM GROUP, oo ay ka farcameen ganacsiyo kala duwan oo hoos yimaada, inagoo ka xusi karna Banka SALAMA, iyo qaybo kale.

Haddaba aynu eegno qaybaha lagu qiimeeyo ama tiirarka u ah sherkad ganacsi oo qani ka ah tayada maamul iyo tooganaanta suuban ee shaqaalaha ay haysato, dhigahaas ama tiirarkaas waxaynu ka xusi karnaa.

1.. Maaraynta ganacsiga (business management)

Maaraynta ganacsi (business management) waxaa aynu ku qeexi karaa waa nidaaminta, qorshaynta, ilaalinta, jihaynta shaqada iyo shaqaale shirkadd si loogu gaadho ujeedooyin (objectives). Sherkada TELESOM  marka si kasta loo eego iyadaa ugu wanaagsan Maaraynta Sherkadaha dalka, waxayna leedahay xubno miisaaman oo iyagu ah meeqaamka sare ee Sherkadda kuwaas oo si cilmiyaysan u  jiheeya ganacsiga sherkaddu higsanayso.

Maareeyaha ganacsi (business manager)

2.. Waa shaqsiga maareeya shaqada iyo shaqaalaha si loo helo faa’iido waana masuulka ilaaliya wixii hanti ah ee ay shirkaddi leedahay isla markaana waa nidaamiyaha shaqo maalmeedka (daily activities). Qaybtana markaan si kasta u eegay sherkadaha dalka waxaa kow ka gashay Sherkada TELESOM, oo sanadihii u danbeeyay Maareeyaha ganacsi ee ay xusheen uu ku caanbaxay maamulid ku dhisan qorshe qanciyay guud ahaan shaqaalaha iyo shaqada ay bulshada u hayaan. Shakhsigaas oo hadaynu magac dhabno ah Ciise Maxamuud Xaji Faarax .

3… Noocyadda maareeyayaasha (Types of business managers):

  • Maareeyaha wax soo saarka (production manager):

Maareeyaha wax soo saarka (production manager) waa mareeyaha wixii wax soo saar ah ee shirkaddu ay soo saarayso. Wuxuu masuul ka yahay dhammaan wixii hawl wax soo saar ah,  sida ilaalinta qalabka shirkadda (inventory control), jadwalka shaqadda (schedule), nidaaminta waraaqaha (documentations), dayactirka qalabka (equipment maintenance), rarida badeecadda (shipping) iyo ilaalinta tayada badeecadda (quality control). Tana Sherkadda Telesom markale ayay  kaalinta koobad u tahay dhammaan Sherkadaha kala duwan ee kajira  dalka Somaliland, nooc kasta oo ay yihiin mana jirto sherkad kale oo ay qaybhan Telesom siday u dhisanyihiin u dhisani.

  • Maareeyaha iib-geynta (sales manager):

waa maareeyahay horumarinta iib-gaynta ee shirkadda. Shaqadiisa waxaa ka mid ah tababarida shaqaalaha waaxda suuq-gaynta (sales staff), diyaarinta xeeladaha suuq-gaynta (sales policy) iyo soo dhamanynta heshiisyada wax iibineed (sales deals). Hanankan suuq gaynta waxay sherkada Telesom kaga horeysay sherkadaha kale ee faceeda ah, taas oo u saamaxday ka sakow suuqa ay ku soo horeysay oo caawiyay hadana inay noqoto sherkada haysata suuqa ugu badan ee ganacsi, siiba adeega Telefooonka  iyo Saadka.

Dalka Somaliland ganacsigiisa ama guud ahaan dhibta ku geedamaan koritaanka horumarka, waxaa lagu tilmaama inay tahay dhinaca tayada dadka (Human resources) iyadoo maalgashiga ugu qaalisan ee wadamada adduunku isku dhafeen uu yahay ka aadamaha lagu maalgaliyo maskaxdooda.

Haddaba Sherkada TELESOM.CO waxaa runtii si qiraala loogu markhaati kici karaa inay tahay Sherkada ay shaqaalaheedu ugu tayada wanaagsan yihiin dhinac kasta, siiba qaybahaas maamul iyo laamaha ka farcama. Waana ta keentay inay sherkadu  maanta kamid tahay kuwa ugu wanaagsan gudbinta  adeega Bulshada guud ahaan Geeska Afrika, kaal maha horena ka gali karta kuwa caalamka.

Balse waxaa jira dhaliilo kala duwan oo laga yaaba inay dad badan oo qoraalkan akhristaa ay is waydiin karaan, kuwaas oo ay kamid yihiin. Qorshaynta maalgashiyo waxtar u leh dalka oo sherkadu samayn karto, sida biyo  xidhoone sahla wax soo saar waddanku yeesho, hababka bixinta  cashuuraha oo marka la eego guud ahaan Sherkadaha Isgaadhsiinta la soo hadal qaado marar badan, iyo hanaanka saadka oo u baahan hubinta sidii aanu u haagisin lahayn ama qiimo beel aanu ugu keeni lahayn Shilinka dalka ee Smaliland. Balse qodobadaas iyo kuwo kale waxay Sherkadu kala midtahay Sherkadaha kale ee dalka, iyo dabcan shuruuco ku dhiman dhinaca Xukuumadihii dalka soo maray.

Geesta kale maqaalkani muu halmaamin dhammaan qaybahaas haddii aad is waydiisaan wuxuuse gaar ku aha inay sherkadu kaalinta koobad (Number One) ka tahay qiimaynta maamul iyo shaqaale ee sherkadaha ka jira Somaliland.

FG: Maqaalkani maha xayasiis, mana aha mid u jeedo kale xanbaarsan,  balse waa kaliya  qiimaynta qalinka ee koritaanka ganacsiga dalka.