Ha'yadda Kalmooyinka dibada u Qaabilsan Ingiriiska oo Shir balaadhan Addis-ababa ugu Qabtay Guddida qiimaynta Shaqaalaha Dawladda Somaliland
Wefti ka kooban Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada,Wasiiru-dawlaha waxbarashada iyo tacliinta sare,Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka, Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyoTacliinta Sare, Agaasimaha Madaxtooyada JSL, Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Maamul Wanaagga ahna ku simaha Guddoomiyaha Guud, Machadka Tababarka Shaqaalaha dawladda (CSI), agaasimeyaasha waaxaha Qorshaynta ee wasaaradaha Maaliyadda, Ganacsiga, iyo madaxa barnaamijka dib u habaynta maaliyadda dawladda ayaa shir ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia.
Waxana Shirkan Abaabulkiisa lahaa hay’adda Horumarinta ee Ingriiska (DFID), ujeedadiisuna waxay ahayd sidii loo dardargelin lahaa dib u habaynta shaqaalaha dawladda Somaliland
Shirka oo socdey saddex maalmood 10-12 ka bishan waxaa dood badan laga galay sidii loo dardargelin lahaa tayeynta shaqaalaha hay’adaha dawladda, waxaana laysla qaatay qodobadan:-
- In guddidii Madaxweynuhu hore ugu magacaabay dib u habaynta shaqaalaha dawladda loo sameeyo xoghayn fulisa hawl maalmeedka guddida.
- In la sameeyo guddi guud oo xidhiidhisa barnaamijyada dib u habayneed ee ka socda qaybaha kala duwan ee hay’adaha dawladda.
- In la fuliyo xeerka shaqaalaha dawladda god-daloolooyinka uu leeyahayna dib u eegis lagu sameeyo. Dib u habayntaa oo hay’adda shaqaaluhu soo curin-doonto.
- In muddada lagu jiro dib u eegista xeerkana, xeer madaxweyne lagu sii daboolo god-doloolooyinkiisa.
- In tababar loo sameeyo shaqaalaha dawladda, madax iyo minjaba, arrinkaas oo loo xilsaaray maxadkaTababarka Shaqaalaha dawlada
- In la sameeyo Guddi ku meelgaadh ah oo loo xilsaaray meelmarinta go’aamadii ka soo baxay shirkan.
Ha'yadda Kalmooyinka dibada u Qaabilsan Ingiriiska oo Shir balaadhan Addis-ababa ugu Qabtay Guddida qiimaynta Shaqaalaha Dawladda Somaliland
Ha'yadda Kalmooyinka dibada u Qaabilsan Ingiriiska oo Shir balaadhan Addis-ababa ugu Qabtay Guddida qiimaynta Shaqaalaha Dawladda Somaliland