"Waa Khasab In Aanu Hor Fadhiisano Somaliland Oo Wadahadal La Yeelano". Cali Khalif Galaydh.

0
Sunday May 04, 2014 - 16:33:50 in by Super Admin
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa Khasab In Aanu Hor Fadhiisano Somaliland Oo Wadahadal La Yeelano". Cali Khalif Galaydh.

    Cali Khaliif Galaydh oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,dhalasho ahaana ka soo jeeda waddanka Somaliland yaa sheegay inay khasab tahay inay wadahal ay la yeeshaan dawladda Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Khaliif Galaydh oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,dhalasho ahaana ka soo jeeda waddanka Somaliland yaa sheegay inay khasab tahay inay wadahal ay la yeeshaan dawladda Somaliland.



Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa hadalkan ka sheegay maruu ku sugnaa Magaaladda Buhoodle halkaas oo uu safar ku tagay, isagoo arrintaas ka hadlaayana wuxuu yidhi. "Cabdiwali Cali Gaas Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland, wuxuu faro galin joogto ah ku hayaa dhulkayaga, wuxuu la tagay Kililka Shanaad ayaanu ognahay adduunka waxba hadda kuma kala qarsoona”.

Prof. Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlaaya wadahadalka Somaliland wuxuu yidhi. "Waa khasab in Somaliland aanu hor fadhiisano oo wadahal la yeelano, balse waa marka shirkayagu dhaco ee anu cid hoggaanka u dhiibano”.

Hadalka Mr. Galaydh ayaa laga dheehan karaa inuu ula jeedo shir dhan ah oo Somaliland lagu qabto. Geesta kale dhawaan ayay ahayd markii degaano badan oo ay degaan dadka rer Sool, ku wargaliyeen siyaasigan in aanu cag soo dhigin laguna qaban karin shir ka dhan ah Somaliland.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com