Muuse Biixi Cabdi oo ku dhawaaqay inu u sharaxanyahay Madaxtinimada Dalka Doorashada 2015 iyo Nuxurka Waraysi BBC du la yelatay

0
Sunday May 04, 2014 - 16:50:06 in by Super Admin
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Cabdi oo ku dhawaaqay inu u sharaxanyahay Madaxtinimada Dalka Doorashada 2015 iyo Nuxurka Waraysi BBC du la yelatay

    Hadalka Muuse Biixi Cabdi ee ah inuu si rasmiya ula tartami doono Madaxweyne Axmed Silaanyo, ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee uu shaaca ka qaado tan iyo markii lasoo gebo gabeeyay shirweynihii Xisbiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadalka Muuse Biixi Cabdi ee ah inuu si rasmiya ula tartami doono Madaxweyne Axmed Silaanyo, ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee uu shaaca ka qaado tan iyo markii lasoo gebo gabeeyay shirweynihii Xisbiga.

Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday inuu si rasmiya Musharax Madaxweyne isugu sharixi doono Xisbiga dhexdiisa, sidoo kale wuxuu cadeeyay inuu diyaar u yahay inay Xisbiga dhexdiida ku tartamaan Madaxweynaha Somaliland. Sidaana wuxuu ku sheegay Waraysi oo goor dhaweyd siiyay Idaacadda BBC-da. Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlaaya waxyaabaha uu qaban doono haddii uu Xilka Madaxweynaha ku guulaysto wuxuu yidhi.


"Waxaanu xooga saari doono sidii aanu nabadgelyada u sii xoojin lahayn, isla markaana ula dagaalami lahayn xagjirnimada iyo budhcad badeeda, waxaanu sidoo kale shanta sanno ee soo socda xooga saari doona, arrinta Ictiraaf raadinta, waayo dalkayagu muddo 22 sanno ah wuxuu raadinaayay aqoonsi, walina noomay suurto galin, taas oo ka dhigaysa muwaadiniintayada haddii ay wax kasta qabsadaan in aan hadana baasaboorkooda la aqoonsanayn. Marka siyaasadda arrimaha debadda ayaanu sii xoojin doona.”

Muuse Biixi Cabdi oo la waydiiyay su’aal ahayd, sababta shirweynihii Xisbiga KULMIYE ergada loogu asteeyay Beelaha wuxuu  ku jawaabay. "Horta Soomaalidu meel kasta oo ay joogto, ama Soomaalida Itoobiya joogto ha noqoto  ama Soomaalida Jabuuti, ama kuwa Muqdisho iyo Somaliland jooga, qabyaaladu waa mid ku weyn,  waana xaqiiq waxaa intaas dheer dadku markuu burburo wuxuu arrimaha u celiyaa diinta iyo dhaqanka. Xisbiga KULMIYE hore ayuu qabyaalada ula dagaalamay oo dadka isu keenay min bari ilaa galbeed, Somalilandna way yaraysay qabyaaladii oo Xisbiyada wanagaa dhisnay hadana diyaar ayaanu nahay in dadka laga yareeyo.”



Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabaya su’aal la waydiiyay oo ahayd in Golihii dhexe aanay wali soo saarin musharaxii uga qayb gaalayay doorashada la filaayo sannadka 2015 inay Somaliland ka dhacdo, iyo inuu isagu sharaxanyahay wuxuu kaga jawaabay.


"Horta Xisbiga markaad guddoomiye ka tahay sherkad ganacsi oo xoolo lakala faa’iidaayo maha, waxaan ugu jiraa inaan ku gaadho kursiga ugu sareeya dalka ee Madaxweynaha, wanan u sharaxanay qofkasta oo golaha dhexe ku jiraana xaq ayuu u leeyahay wanan soo dhaweynayaa, haddii uu Madaxweynaha hadda yahay iyo haddii cid kale ay tahayba.” Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi.”Madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay inuu teeramkiisi labaad tartamo, waana guul ayaan qabaa in aanu ku wada tartanto Xisbiga dhexdiisa, aasaasihii Xisbiga KULMIYE, inaanu wada tartano odaygii Xisbiga iyo ninkii uu Siyaasadda ku soo koriyay miyaanay guul ahayn”.

Hadalka Muuse Biixi Cabdi ee ah inuu si rasmiya ula tartami doono Madaxweyne Axmed Silaanyo, ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee uu shaaca ka qaado tan iyo markii lasoo gebo gabeeyay shirweynihii Xisbiga.








Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com