Madaxweyne Siilaanyo oo Socdaal kedis ah ku Tegey Wajaale iyo Furitaankii Waddada Wajaale

0
Sunday May 04, 2014 - 17:01:55 in by Super Admin
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo Socdaal kedis ah ku Tegey Wajaale iyo Furitaankii Waddada Wajaale

    Madaxwaynaha Jammuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Safar aan hore loo shacin ku tagey Magaaladda Magaladda Tog-wajaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Jammuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Safar aan hore loo shacin ku tagey Magaaladda Magaladda Tog-wajaale

 oo ka tirsan gobolka Gabilay, Madaxwaynaha oo Safarkiisan ay ku wahelinayaan xubno ka tirsan golihiisa Wasiiradda, Masuuliyiin ka tirsan golayasha kale ee qaranka, wuxuu xadhiga ka jaray Jidka lamiga ah ee isku xidha magaaloyinka kala Baydh iyo Tog-wajaale oo ay hir galisay Xukuumadda uu hoggaamiyo.



Intaas wixii ka danbeeyey wuxuu  Madaxwaynuhu hore ugu siimaray magaladda wajaale waxana halkaasi ku soo dhaweeye boqolaal  dadweynaha ku dhaqan Magaaladda Wajaale ah, oo kuwaas oo kaga horyimi koonfurta Magaladda, dakan oo ruxayey caleemo qoyan iyo calanka Somaliland waxa ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ku ammaanayan Madaxwaynaha iyo kuwo soo dhawayn isugu jira.


Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed (Siilanyo), Waxa uu goob fagara ah kalahadlay dadkii sodha weeyey isagoo uga mahad celiyay soo dhaweynta ay u muujiyeen, waxaana hadaladiisi kamid ahaa "Waxaan aad iyo aad ugu mahhad naqayaa sidafiican ee qiimaha iyo qayaha leh ee aad iso dhawayseen waxan idiinku imi in aan idiin furo wadadii is ku xidhaysay Wajaale iyo Kalabaydh, Waxan ka dhabayn donaa balanqadkii aan idiin sameeyey waxanuna wax wayn ka qaban donaa mashaaricda horumarka ee ka soconaya Wajaale waanad mahadsantihiin”


Safarka Madaxwayne Axmed Silaanyo ayaa ku soo beegmayaa kadib markii maalmihii aynu ka soo gudubnay  ay ka dheceen Magaaladda Wajaale mudaharadyo hal qof uu ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay.








Afkashacabka.com

Hargeysa / Office

Contact@afkashacabka.com