AQOONYAHAN JAMAAL CALI XUSEEN OO MULKIILAHA HOTEEL KAAH UGA TACSIYADEEYAY MASHAQADII SHALAY, REER SOMALILAND BAAQ U DIRAY

0
Sunday May 04, 2014 - 21:54:57 in by Super Admin
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AQOONYAHAN JAMAAL CALI XUSEEN OO MULKIILAHA HOTEEL KAAH UGA TACSIYADEEYAY MASHAQADII SHALAY, REER SOMALILAND BAAQ U DIRAY

    Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa ganacsadaha hoteel Kaah ee Magaaladda Hargeysa Barigeeda ku yaala uga tacsiyadeeyay dabkii shalay khasaaraha gaadhsiiyay Super Market iyo kaalinta shiidaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa ganacsadaha hoteel Kaah ee Magaaladda Hargeysa Barigeeda ku yaala uga tacsiyadeeyay dabkii shalay khasaaraha gaadhsiiyay Super Market iyo kaalinta shiidaalka.


 

Waxa uu shacabka iyo ganacsatada labadaba u soo jeediyay in ay isku tashadaan isla markaana ka gaashaantaan khasaaraha uu dhalin karo dabkaasi.

Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu ku faafiyay bogga uu ku leeyahay Facebook-ga waxaanu yidhi

Waxa inoo wanaagsan inaynu waxyaalaha aasaasiga ah ee bulshada aynu culeyska saarno, shalayto wax laga naxo ayeey ahayd in indhaheenoo Shan ah ay gubanaysay kaalinta Kaah oo weliba baabuurtii meesha taalayna ay ku shuf beeshay.

Qadarka Ilaahay baa haya laakiin in inagoo awoodi karna maaha in waxyaallo aan muhiim ama mudnaanta lahayn xoolahii ummadda lagu lumiyo.

Ilaahay ka baqa oo xoolahan ummaddee la lunsanayo gawaadhidda dabdamiska dalkoo dhan ha la gaadhsiiyo, oo canshuurtan Dan yartii lagu saddex jibaaray bal wax adeeg u EEG uun halooga sameeyo.

Ganacsatadii Kaah iyo danyartii dhowr jeer guriyahooda ku waayey dab qabsaday tacsi baan u dirayaa, oo idinku isku tashadda ayaan idin leeyahay. 


Ilaahay Isagaa caadiloo jira ee. Somaliland guul iyo gobanimo.

 




Jamal Ali Hussein
Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID