Jidka Ceerigaabo: Qorshe Lagu Shirabayo Xooga iyo Xoolaha Somaliland

0
Friday February 14, 2014 - 06:09:56 in by London Office
  • Visits: 1432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jidka Ceerigaabo: Qorshe Lagu Shirabayo Xooga iyo Xoolaha Somaliland

    Jidka Ceerigaabo: Qorshe Lagu Shirabayo Xooga iyo Xoolaha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wasiirka madaxtooyada somaliland xirsi cali xaaji xasan
Jidka Ceerigaabo: Qorshe Lagu Shirabayo Xooga iyo Xoolaha Somaliland

"Aan Kuu Sheegee Shaqaaluhu waa
Sharaftii Dhulka Sharaxaysay
Waa kuwa Shiila Camuudee,
kala Shuba ee ka shaandheeya Macdanta
u shintiriyee inba meel ku shiraba” Hees- Maxamed Axmed Kuluc

Cabdilaahi Xasan Budul wuxuu si fiican u garranayaa 1974-kii iyadoo gaadhi Radio Hargeysa lahaa oo lagu rakibay cod-baahiyeyaal ayaa heestaasi dayaankeeda laga maqli jiray magaaladda Hargeysa, waa xiliyadii uu socday Barnaamijkii la odhan jiray "iskaa wax u qabso” oo lagu dhisayo goobo badan oo dan guud ah iyo xarumo badan oo dawladeed.

Cabdilaahi Budul waxa uu noo sheegay inuu xiligaasi isagoo dhigta dugsiga hoose ay isaga carruurtii ay isku xiliga ahaayeen intay qiiroodeen ay ka qeyb-qaateen dhismeyaal shacbi iyo shaqaale dawladeed ku binaynayeen si mutadawacnimo ah.

Barnaamijkaasi oo la soo weriyay in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ka mid ahaa dadkii bud-dhiga u ahaa ee hindisay in ay tahay qorshe kaalin ka qaadan kara dhismaha dawladnimo, kaasi oo isku tolaya muwaadiniinta iyo adeegeyaashooda dawladda uga shaqeynaya.Maxaa innaga hor taagan inaynu dalkeenna ku dhisano xeeladaas waxtarka ahayd.

Halbowle ayay noqdeen waddooyinkii qarnigan 21-aad ee casriga laga gaadhay farsamooyinka iyo ikhtiraaca, waxa la ogaaday in jidadku ku jiraan kaabeyaasha koriya dhaqaalaha, dalalka afrikaanka ahi waxay u tamarin waayeen kaabeyaashooda dhaqaalaha ayaan ahayn mid horumarsan oo cago adag ku taagan.

Saddexdii sanadood ee la soo dhaafay waxay xukuumadda Axmed Siilaanyo isku hawshay mashaariic badan oo ah taabo-galka horumarka dalka si weyn u raadaynaya. Waxaan si sar ka xaadis ah uga xusi karnaa inay tahay dawladdii u horreysay ee dalka 10 kun oo askari hal mar derajooyinkii ciidanimo ku taxday ee waliba u raacisay gunno derajeedkii. Waa tallaabo ciidanimadeenna sharaf iyo karaamo u yeeshay.

Siyaasiyan waxay tallaabadaasi weyni dalkeenna ka dhigaysaa inuu yahay sidii mid ka mid ah dalalka tanaaday ee adduunka, waayo derisyadeenna iyo dawladaha gobolka ee la aqoonsan yahay ma tahli karaan inay hal mar derajooyin tirada intaas leeg bixiyaan.

Tu kale oo aan iyana adduunyadda saddexaad-ba ka dhici karini waa in muddo saddex sanadood ah dawladdu laba jeer mushaharka shaqaalaha iyo ciidammadda kordhisay, waliba korodhsiimo aanay caqli-gal ahayn inay ka hirgasho waddamada Miisaaniyadoodu cajiska ku jirto. Waa wax aan suurto-gal ka ahayn qarramadda soo koraya hase yeeshee xukuumadeennu fulisay in mushaharka hal mar la kordhiyo 100% iyadoo aanay jirin wax cashuur ah oo la kordhiyay. Haddana ay mar kale kor u qaaday 20% sanadkan 2014-ka.

"Wadada Ceerigaabo oo dhisantaa, waa halgan weyn oo fududeyn kara inaynu gobolka Sanaag ee hoddanka ah aynu u soo jiidno maal-gashadeyaasha u jeelan dalkeenna oo suurto-gal ay tahay inay caqabad ku noqon lahayd inay mashaariic ka fuliyaan gobolka ugu weyn wadanka,”ayuu yidhi Ismaaciil Cartan oo ah nin mutacalin ah oo muddo dheer barre ka soo ahaa gobolka Sanaag todobaatanaadkii.

Jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo dhererkiisa lagu qadaray 370km, waxa lagu wadaa in dhawaan la bilaabo,iyadoo lagu ibo-furi doono 100km ee ugu horeeyay, jidkan waxa qaadhaankiisa ka qeyb galay Goleyaasha qaranka, xukuumadda, dadweynaha gobolka iyo Qurbo-joogta waxaanu noqonayaa mashruucii ugu weynaa ee Somaliland u tafo-xaydato marka laga hadlayo kaabeyaasha dhaqaalaha oo jidadku muftaax u yihiin.

Xukuumadda Axmed Siilaanyo oo waddooyinku siyaasadeeda halbowle u yihiin waxay sanadkan horumarinta jidadka kaga hawl-galaysaa qalabkii lagaga shaqeeyo waddooyinka oo ay ka soo iibsatay dalka Shiinaha sida cagafyadda casriga iyo gaadiidka kala duwan ee loogu tallo-galay in lagu dhigo wadooyinka waaweyn.

"In wadada Ceerigaabo hirgelayso waxaan ku yaqiinsaday dadkeedii baa ALLE nagu galaday. Wasiirka Madaxtooyaddu waa qofkii ugu haboonaa ee madaxweynaha la hir-gelin kara himiladaas qaran ee uu ku dhiiraday oo wadada u xaadhaysa inuu dhaxal siyaasadeed oo ma guuraan ah ka tago dalka. Waxa kale oo dhamaystirka jidkani Wasiir Xirsi laftiisa u noqon karaa mid aan magaciisu si fudud uga tirtirmin xiska dadweynaha gobolka Sanaag,”sidaas waxa laga guntay Caasha Ibraahim Saleebaan oo ka mid ah qurbo-jooga Somaliland oo boggeeda face-book dhawaan ku daabacday arragtideeda jidka Ceerigaabo.

Dedaaladaas wadada lagu dhisayo waxa ka soo horjeeda shakhsiyaad siyaasiyiin ah oo ay shacbiga gobolkaasi ugu magac-dareen "Ashkhaasta shaambadoobay” oo qudhoodu ka soo jeeda gobolka gadoonsan ee Sanaag, kuwaasi oo dacaayado ay ku kala qeybinayaan mooraalka togan ee bulshadda ku faafinaya warbaahinta iyo goobaha fadhi ku dirirka. Waxay askhaasta horumar diidka ahi ku doodaan inay wadadani tahay wax ay ugu yeedheen "Olale siyaasadeed oo lacag lagu guranayo.”
Dadka weynaysada iyo shaandhada la dabo-taagan siyaasiyiinta mucaaridka ah ee nashuushadeynaya jidka Ceerigaabo, waxay wacad ku mareen inay xubnahaas baydhay la xisaabtami doonaan maalin adag oo ay isu soo taageen tartan siyaasadeed oo ay ku abaal marin doonaan inay kitaabkooda bidixda uga dhiibaan.

Dadka reer Sanaag waxay ogyihiin in toobadu u furan tahay kooxaha carrooga u qaatay inay dhiciseeyaan qorshaha hirgelinta jidkaas oo dadka samaha jeceli soo dhaweeyeen isla markaana ku tilmaameen tallaabo halbeeg u noqon doonta illaa heerka ay horumarinta dalka ka gaadhi karto Somaliland iyadoo aanay beesha caalamka wax taageero ah ka helin. Koox daneedyadaas ayaa looga fadhiyaa inaanay lumin kalsoonida shacbiga ee ay ku noqdeen xisbiyadda ama xildhibaanadda Goleyaasha Baarlamaanka.

Waddooyinka kale ee socda ee xukuumaddu xoolo iyo xoogba ay ku darsatay waxa ka mid ah jidadka Burco iyo Oodweyne, Kala-baydh illaa Boorame, Hargeysa illaa Sallaxley iyo kala baydh illaa Wajaalle.


AfkashacabkaNews.Com

Hargeysa/Office