SADDEX QOYS OO MADAX KA NOQDAY DALALKOODA OO DABAR GO'AY W/Q: CALI CABDI COOMAY

0
Sunday May 04, 2014 - 22:16:04 in by Super Admin
  • Visits: 1666
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SADDEX QOYS OO MADAX KA NOQDAY DALALKOODA OO DABAR GO'AY W/Q: CALI CABDI COOMAY

    Indira Ghandi waxay ka faa’idaysatay sumcadii aabaheed, waxaanay isu-sharaxday jagada Raysal wasaaraha. Wakhtigan aabaheed wuu noolaa. Sannadkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Indira Ghandi waxay ka faa’idaysatay sumcadii aabaheed, waxaanay isu-sharaxday jagada Raysal wasaaraha. Wakhtigan aabaheed wuu noolaa. Sannadkii

Qoyskii Indira Ghandi…….QYB…3aad

 

Indira Ghandi waxa dhalay Jawaharlal Nehru oo ahaa Raysal wasaarihii ugu horeeyey ee dalka Hindiya yeesho. Aabaheed wuu geeriyooday. Nehru wuxuu dhalay Indira keligeed. Indira Ghandi waxay waxbarashadeedii ku soo qaadatay jaamacad Oxford. Inkastoo aanay aqoonta ku fiicnayn. Indira waxa guursaday nin la odhan jiray Ferose Ghandi, oo aabaheed aanu raalli ka ahayn. Waxay u dhashay laba wiil oo kala ahaa: Rajiv Ghandi iyo Sanjay Ghandi.

Tartankii Raysal wasaaranimada ee Indira Ghandi

Indira Ghandi waxay ka faa’idaysatay sumcadii aabaheed, waxaanay isu-sharaxday jagada Raysal wasaaraha. Wakhtigan aabaheed wuu noolaa. Sannadkii 1966-kii ayaa loo doortay Raysal wasaaraha dalka Hindiya. Waxay loolan la gashay xubno rugcadaa ah, oo siyaasada uga soo horeeyey, balse way ka adkaatay.

 

Dilkii Raysal wasaare Indira Ghandi

Indira Ghandi wuxuu khilaaf xoogani soo kala dhexgalay iyada iyo kooxaha siinga siingaha(Sikhs). Markii khilaafkii dhamaan waayey, ayuu isku-rogay dagaal xoogan oo ka dhexqarxay dawlada iyo siinga siingaha(Sikhs). Indira waxay amar ku siisay ciidankeeda inay burburiyaan macbadka ugu weyn ee ay leeyihiin” Golden Temple”.madaafiic ayaa lagu garaacay dhulkana waa lala simay, waxa ku dhintay dad farabadan. Indira Ghandi waxa ilaaladeeda gaarka ah ka mid ahaa askari siingo siingo ah(Sikhs). Aroor hore iyadoo ka soo baxaysa qasrigeeda ayuu toogasho ku dilay askarigii.

Tartankii Raysal wasaarenimada ee Rajiv Ghandi

 

Rajiv Ghandi wuxuu ahaan jiray duuliye diyaaradaha rakaabka qaada, ka dib wuxuu soo galay siyaasada. Waxaana loo doortay hogaamiyaha xisbiga Congress. Muddo ka dibna wuxuu ku guulaystay inuu noqdo Raysal wasaare. Isagoo xilkan haya ayuu siyaasad ahaan la saftay dawladii Sirilaanka oo dagaal kula jirtay Jabhadii Tamil Tigers.

Dilkii Raysal wasaare Rajiv Ghandi

Rajiv Ghandi wuxuu si weyn u taageersanaa in lag takhaluso jabhadii Timal Tigers-ka ee dagaalka kula jirtay dawlada Sirilaanka. Wuxuu amar ku bixiyey in dalka Sirilaanka loo diro ciidamo farabadan oo Hindi ah, si ay uga bar-bar dagaalamaan ciidanka Sirilaanka. Jabhadii Timal Tigers-ka ayaa u diyaarisay shirqool lagu khaarajiyo. Isagoo shir balaadhan khubad ka jeedinaya ayey ku soo dhawaatay gabadh sidatay ubax ay qoort u sudho, ilaaladiisana way soo daysay markaasay isku qarxisay.

Sanjay Ghandi

Sanjay Ghandi wuuu ka yaraa Rajiv wuxuu ku liitay waxbarashada. Wuxuu noqday saaqid dugsigiina waa laga eryey. Balse wuxuu ku fiicnaa wadista baabuurta dheeraysa ee ciyaaraha. Waxa kale oo ku fiicnaa kaxaynta diyaaradaha rakaabka. Isaga oo wata diyaarad ay hooyadii u iibisay ayey la dhacday, isaga iyo kaaliyihiisii ayaa ku dhintay.

 

Sonia Ghandi

Waa gabadhii uu ka dhintay Rajiv Ghandi waxay guddoomiy ah ahayd Xisbigii Congress Party ee ninkeedu ka dhintay. Waxa loogu baaqay inay dawlada madax ka noqoto, balse way diiday. Iyadoo ka baqatay in la khaarajiyo sidii ninkeeda iyo qoyskiisa. Ka dib waxay taladii u dhiibtay dad kale. Waxa kale oo caqabad ku noqotay asalkeedii oo talyaani ahaa. Sonia Ghandi way nooshahay.





 

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

xigasho:

Danjire Qaybe iyo Caalamka………………xusuus qorkii Qaybe