Wasiirka Arrimaha Debedda JSL oo markii uhoreysay ka hadlay Hadalkii Xasan Sheekh ee ahaa inay telefon kuwa wada xidhiidhen Madaxweyne siilanyo

0
Sunday May 04, 2014 - 22:23:23 in by Super Admin
  • Visits: 952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Debedda JSL oo markii uhoreysay ka hadlay Hadalkii Xasan Sheekh ee ahaa inay telefon kuwa wada xidhiidhen Madaxweyne siilanyo

    wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa faah faahin ka bixiyey shir caalami ah uu kaga qayb galayo wadanka Nigeria.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa faah faahin ka bixiyey shir caalami ah uu kaga qayb galayo wadanka Nigeria.

Wasiirka arimaha debada Somaliland oo maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa ka waramay shirka uu kaga qayb galayo wadanka Nigeria iyo hadalkii ka soo yeedhay madaxweynaha somaliya ee la xidhiidhay inay khadka telefanka ka wada hadleen madaxweynaha Somaliland markii ay ciisamada Somaliland galeen degmada Taleex.

Ugu horayn wasiirka arimaha debada Somaliland oo ka hadlaya shirka uu kaga qayb galayo wadanka Nigeria ayaa waxa uu yidhi "Maanta waxaan u baxayaa magaalad Abuja ee xarunta wadanka Nigeria waxa nalagu soo casuumay shirka world Farming Forum kaas oo ka dhici doono caasimada wadanka Nigeria, kaas ooay kas oo qayb gali doonaan oo iskugu jira madaxweynayaal, wasiiro arimo dibadeed iyo dadka kale.” Ayuu yidhi wasiirka arimaha debada oo la hadlay hctv

 

Wasiirka arimaha debada Somaliland waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay hadalkii ka soo yeedhay madaxweynaha somaliya ee la xidhiidhay inay khadka telefanka kaga wada hadleen madaxweynaha Somaliland arimaha degmada Taleex ayaa waxa uu sheegay inaanu hadalkaasi ahayn mid u yaala Somaliland ayaa waxa uu yidhi "Sida la wada ogsoonyahay wadanka Somaliland waa dal xuduud leh, xuduudana Somaliland may dhigin ee Ingiriiska ayaa dhigay, xuduuda somaliyana waxa dhigay Talyaaniga, Somaliland wadankeeda iyo xuduudaheeda masuuliyad ayaa ka saaran, Taleex, Laascaanood Iyo Saylacba waa Somaliland, markaa xuduudahooda iyo maamulkooduba waa masuuliyad saaran xukuumada Somaliland, xuduuda Somaliland-na waa mid cad, haddii Xasan Sheekh hadlay iyo hadii Gaas hadlayba waa hadal iyaga khuseeya laakiin Somaliland arinteeda, maamulkeeda, masuuliyadeedu,nabad galyadeeda iyo shacabka ilaalintiisu waa masuuliyad saaran xukuumada Somaliland .”

 





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com