Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa bulshada ugu baaqday inay ka faa'iidaystaan Roobka sanadkan oo ka curtay deegaanada dalka qaar.

0
Sunday May 04, 2014 - 22:27:02 in by Super Admin
  • Visits: 754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa bulshada ugu baaqday inay ka faa'iidaystaan Roobka sanadkan oo ka curtay deegaanada dalka qaar.

    Shir jaraa'id uu xafiiskiisa maanta ku qabtay Af-hayeenka wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi waxanu yidhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir jaraa'id uu xafiiskiisa maanta ku qabtay Af-hayeenka wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi waxanu yidhi


"Sida aynu la wada socono Gobolada iyo Degmooyinka qaarkood waxa ka curtay Roobabkii Gu’ga oo maalmihii u dambeeyey u da’ayey si is daba joog ah, iyada oo dadka reer Somaliland Salaad roob doon ah isugu soo baxeen 26 Bishii ina dhaaftay ee Abriil sanadka 2014-ka, ILAAHEY mahadi ha ka gaadhee uu inaga aqbalay, isla markaana maalmo ka dib uu roobkii dib inooga dhacay Gu’ga sanadkan wakhtigii la filayey uu bilaabmay.


Hadaba Wasaaradda Beeruhu waxa ay dadweynaha Reer Somaliland ugu baaqaysaa inay ka faa’iidaystaan Roobka iyo Raxmaadka ILAAHEY (SW) inoo shubay oo aynu ugu mahadnaqno baryadii uu inaga aqbalay iyo Raxmada uu inoo shubay inaga oo ugu mahadnaqayna inaynu ka faa’iidayso Biyaha roobka oo aynu wax-soo saar iyo tacab aynu beeraheena kala soo baxayno wixii aynu cuni lahayn, isla markaana dedaal u galno sidii aynu u kaydsan lahayn biyaha roobka una samaysan lahayn goobihii lagu kaydinayey.

 

Haddii aynu la nimaadno wax soo saarna waxa aynu ka maarmaynaa alaabooyinka laga soo dejiyo dibada ama aynu ka sugno, waxaana bulsho kasta lagu qiimeeyaa waxsoo saarka ay la timaado, balse laguma qiimeeyo waxa ay dibada ka soo dhoofiso, waxaanay Wasaaradda Beeruhu dhiirigalinaysaa cid kasta oo qayb ka ah wax soo saarka dalka, iyada bulshadana ku baraarujinaysa in aanaynu noqon bulsho marka roobka la waayana biyo iyo cunto raadisa, marka roobku da’ana noqota kuwo aan ka faa’iidaysan



Wabilaahi Tawfiiq

Sacad Muuse Cabdi , 

Af-hayeenka Wasaaradda Beeraha Somaliland”.




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com