Jidkan Kaliya Iskuma Xidhin laba Degmo balse wuxuu isku XIdhay Laba Dawladood" Wasiirka Madaxtoyada JSL

0
Monday May 05, 2014 - 09:27:25 in by Super Admin
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jidkan Kaliya Iskuma Xidhin laba Degmo balse wuxuu isku XIdhay Laba Dawladood" Wasiirka Madaxtoyada JSL

    Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka Dareen celiyey Socdaal uu Madaxweynaha ku wehelinayey oo ay ku tageen Wajaale xadhigana kaga jareen Jidka isku xidha Wajale iyo Kalabaydh ayaa yidhi sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka Dareen celiyey Socdaal uu Madaxweynaha ku wehelinayey oo ay ku tageen Wajaale xadhigana kaga jareen Jidka isku xidha Wajale iyo Kalabaydh ayaa yidhi sidan: Jidkan Kaliya Iskuma Xidhin laba Degmo balse wuxuu isku XIdhay Laba Dawladood.

Waxay ahayd maanta kadib markii Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud socdaal ku tegay magaalooyinka Gabiley, Kalabaydh iyo Wajaale

Socdaalkan oo muhiimadiisu ahayd in si rasmi ah xadhiga looga jaro jidka isku xidhaya Magaalooyinka kalabaydh iyo Wajaale oo markii u horaysay noqday jid laami ah kasoo wax badan ka tari doona isku socodka dadka iyo gaadiidka 

Waxaa hubaal ah in jidadku yihiin kaabe dhaqaale oo wax badan ka tara kor u qaadida dhaqaalaha amaanka iyo is dhex galka bulshooyinka.

Waxaa xaqiiq ah in Waddo walba oo dalkeena ka socota ay leedahay muhiimad gaar ah isla markaana u horseedayso qarankeena horumar,

jidkan maanta la furay " Kalabaydh – Wajaale” ayaa noqonaya mid qiimo badan u leh qarankeena maadama jidkani isku xidhay maaha kaliya laba degmo balse laba dal "Somaliland, Ethiopia”, maadama aan ognahay in ay ahayd inta kaliya ee labada dal bilaa laami ka ahayd. 

Maanta waxay ahayd Farxad iyo fursad dalkeena u soo korodhay isla markaana taariikh inoo noqon doonta. 

Somaliland waa Taariikh Nool 
Wa Bilaahi Tawfiiq.