Filand: Masuuliyiin Iska Casilay Xisbiga UCID, Caddaalad Daro-na Ka Tirsaday Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

0
Monday May 05, 2014 - 17:15:48 in by salman abdi
  • Visits: 846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Filand: Masuuliyiin Iska Casilay Xisbiga UCID, Caddaalad Daro-na Ka Tirsaday Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

    Gudoomiye ku xigeenkii xisbiga UCID ee dalka finland, Xassan Cumar Hurre iyo Gudoomiyihii abaabulka xisbiga UCID, ee finland Ismaaciil Digaale, ayaa maanta is casiley, sida labu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen labadan masuul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye ku xigeenkii xisbiga UCID ee dalka finland, Xassan Cumar Hurre iyo Gudoomiyihii abaabulka xisbiga UCID, ee finland Ismaaciil Digaale, ayaa maanta is casiley, sida labu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen labadan masuul.

War-saxaafadeedkaasi ayaa u dhignaa sidan "Anigoo ah gudoomiye ku xigeenkii UCID ee finland- Xassan Cumar Hurre iyo Gudoomiyihii abaabulka, Ismaciil digaale.

Waxaanu maanta oo ah 5.5.2014 . iska casilnay xilkii xisbiga ucid ee finland aanu ka hayney. Waxaanu isku casilley markii Gudoomiye faysal Cali waraabe oo dhawr wiig ku sugnaa wadanka finland uu Taladii xisbiga ee laanta u gacan dhaafay madaxda kor ku xusan oo mudooyinkii u danbeeyay iyagu gacanta ku hayey. Sidoo kale, isla shalay uu magacaabey gudi cusub isagoo kala tashan Madaxdii laanta iyo xubnihii joogta ahaa ee xisbiga…labada gudoomiye oo mudo 3 sano ah ka soo shaqeynayey hawasha mutadawacnimo ee xisbiga garabkiisa

finland, waxay ahaayeen xubno aad uga cadcad hawalaha xisbiga ee dalkan finland. Waxaaney uga tageen xisbiga cadaalad daro iyo Talo la’aan kaga timi xisbiga Gudoomiyihii ugu sareeyay

Wabilaahi tawfiiq

Gudoomiye ku xigeen xisbiga ucid finland :- Xassan Cumar Hurre
Gudoomiyihii abaabulka finland :- Ismaaciil Digaale-

Helsinki/finland