Bilayska Burco Oo Xabsiga Ku Guray Arday Iska-Hor Imaad "Qabiil" Dhex Maray

0
Tuesday May 06, 2014 - 09:11:28 in by Super Admin
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bilayska Burco Oo Xabsiga Ku Guray Arday Iska-Hor Imaad "Qabiil" Dhex Maray

    Ugu yaraan labaatan Arday oo kuwa Dugsiyada sare dhigta ah ayaa Maanta Xabsiga loo taxaabay Magaalada Burco, kaddib markii iska hor-imaad qabyaalad salka ku hayaa dhex maray Ardayda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan labaatan Arday oo kuwa Dugsiyada sare dhigta ah ayaa Maanta Xabsiga loo taxaabay Magaalada Burco, kaddib markii iska hor-imaad qabyaalad salka ku hayaa dhex maray Ardayda.


Wasaarada waxbarashada iyo maamulka Gobolka Togdheer ayaan wali maaro u helin iska or imaadyo ka dhaca dugsiyada sare ee Gobolka Togdheer kuwaasoo ku salaysan qabyaalad ay ardayda Dusiyadaasi isu dagaalaan muddooyinkan dambe.

Bishii labaad ee sanadkan ayaa iska hor-imaad dhex maray arday Dugsi wada dhiganaysay Magaalada Burco, waxaanay taasi sababtay inay Xukuumaddu Olole la dagaalanka Qabyaalada ah oo ardayda lagu wacyi-gelinayso ka fuliso Magaalada, hase ahaatee arrintani waa mid wali soo noqnoqonaysa tan iyo markii ay dawlada siilaanyo talada dalka la wareegtay.

Ardaydan ayaa saaka saldhiga dhexe ee magaalada Burco loo taxaabay, kuwaasoo wax ka baranayay Dugsiga sare ee Sheikh Bashiir oo ah Dugsigii ugu horeeyay ee Magaalada laga dhisay waxbarashada sare.

Dadwayanaha reer burco, ayaa is waydiinaya waxa arimahan ay xal ugu wayday Dawlada iyo maamulka gobolku maadaama ay arintani nabadgelyo daro ku keeni karto gobolka.

Arimaha farta lagu fiiqayo ee a loo sibirsaarayo iska hor-imaadyada ardayda waxaa ka mid ah Dugsiyada dawlada oo isu bedelay kuwo ay dad yeesheen isla markaana ay Dugsiyada qaar oo uu ka mid yahay dugsiga Sheukh bashiir aan laga bedelin maamulkiisa 18 sanaddood

"ma yeelayno in Maamule Dugsi iska yeesho oo uu sideed iyo Toban sano iska joogo waa in wax laga qabtaa”Sidaas waxa yidhi Wasiiru dawlaha Maaliyada Somaliland Cismaan Saxariid (Cadaani) oo bishii Feberuary Khubad u jeedinayay Arday Dugsi waxbarasho ku jira.

Wasiirka ayaa kormeer uu kaga wacyi galinayay ardayda iyo dhalinta Burco qabyaalada ka waday magaalada Burco, xiligaasi.

Laakiinse ilaa hada waxba iskamay bedelin arrinta uu wasiir Cadaani xiligaasi ka dhawaajiyay.





Axmed Muuse Maxamed

Afkashacabka.com
Burco / Office
Contact@afkashacabka.com