18KA MAY: KU XUS WAX-QABAD. W/Q. MAXAMED ACTION

0
Tuesday May 06, 2014 - 10:06:45 in by Super Admin
  • Visits: 1167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    18KA MAY: KU XUS WAX-QABAD. W/Q. MAXAMED ACTION

    Maalinta 18kaMay ee sanadkasta waa maalin qiimo wayn, muhiimad aan la soo koobi Karinna u leh dhamaan umadda reer Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinta 18kaMay ee sanadkasta waa maalin qiimo wayn, muhiimad aan la soo koobi Karinna u leh dhamaan umadda reer Somaliland.

Dalkastaa wuxuu leeyahay maalin ama maalmo aad u xasuus badan oo ay si gaar gaar ah iyo si Wada-jir ah ba loo xuso, inaguna sida dalalkaas oo kale ayaynu leenahay maalin qaran oo dadka reer Somaliland ee gudo iyo dibad ba ku sugani ay si aan loo kala hadhin ugu debaal-degaan. Maalintaas oo ah maalintaynu dib-ugala soo noqonay madaxbannaanideenii 18kiiMay ee 1991kii. Anigoon ka sheekaynayn sida ay Somaliland ku timi ayaan waxaan jeclaystay bal inaan fikirkayga ka dhiibto sida aan u arko maalintan weyn ee 18kaMay ee aynu sannadkasta u debaal-degno.

Hadaba 18kiiMay ee 1991kiiSamataliskii reer Somaliland ku shireen Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaas oo lagu gaadhay inay Somaliland la soo noqotay madax-banaanidenan aynu manta ku damaashaadeyno.

 

Maalinta 18kaMay ee sanadkasta waa maalin qiimo wayn, muhiimad aan la soo koobi Karinna u leh dhamaan umadda reer Somaliland. Laakiin waxaa kala duwan siyaabaha loo xuso 23kii sanno ee ugu dambeeyay. Hadaba horaantii 90naadkiiaad looma xusi jirin oo dawladdu waxay ku mashquulsanaan jirtay nabadayntii beelaha iyo hub-ka-dhigistii Maleeshiyaadka. Dawladdii barigaa joogtayna Madaxweynaha ayaa ku soo saari jirey Dikreeto Madaxweyne oo uu Iclaaminaayo inay gaadhay wakhtigii xuska maalinta madaxbanaanida Qaranka Somaliland. Hadaba Xuska 18ka May waxuu aad u soo laba kacleeyey si aad u balaadhanna loo xusay 10kiisanadood ee ugu dambeeyay iyadoo ay kala duwanayd siyaabaha loogu debaal-degay xuska maalintan qaaliga ah.

Haddaba, iyadoo maalintani tahay maalin xuskeeda iyo xusuusteeda leh bulshadeenana qaali ku ah, ayaa hadana waxaa kala duwan siyaabaha loo soo bandhigo, damaashaadka iyo fantasiyaha kala geddisan ee lagu muujiyo munaasibaddan. In qofkasta oo reer Soomaalilaand ahi muujiyo siduu ugu faraxsanyahay dalkiisa iyo horumarka la taaban karo ee uu ka gaadhay dhinacayada badan, ha ku xuso dalka gudihiisa ama dibadiisabee. Hadaba dabbaal-degu aynu ku xusno 18kaMay sanadkasta wuxuu u qeybsan-yahay laba nooc oo kala ah. Midda hore waa maalin weyn inagoo tiro ahaan aan badneyn ayaynu hadana adduunka meelkasta oo ay joogaan dadka reer Soomaalilaand ay ka dhex muuqdaan. Ha lagu kala dedaal badnaado oo Muwaadiniinta reer Soomaalilaand ee Qurbaha joogtaa dedaal badan ha muujiyaane. Waayo waxay joogaan dalal shisheeye oo aan Soomaalilaand aqoon u lahayn oo is muujintaasi faaiido weyn ayay u leedahay dalkeena. Waliba Qurba Joogta Ingiriiska oo maantaba dedaalkoodii ku suurta galiyay inaynu helno oo si caalami ah la inoogu dhawaaqo ictiraafkii ugu horeeyay. Insha’alaah-u TUSBAX FURMAY ayaynu kaga dhigi doonnaa dalalka kalena, waxay hinnaase bandan gelisaa Soomaalida kale ee ka soo horjeeda qaranimadda Somaliland. taasina cadowga Soomaalilaand wey ka nixisaa Dalalka aan ina aqoonna way inagu bartaan oo arinkeenu wuu gaadhaa. Ta labaadna waxaa jira xuska 18ka May noqotaa maalin ay dad badani dhaqaale ku burburiyaan. In fannaaniin laga dalbado qurbaha laguna kharash-gareeyo lacag badan, Waa maalinta ay xataa JAADKA laga keeno dalka Itoobiya ay soo kordhiyaan intii ay marka hore keeni jireen. Dad badan oo aan jaad cuninna ay maalintaas cunaan iyagoo ugu magac-daraya waa maalin farxaddeed. Waa maalin ay Telefishannadu na ay dadka ku wareeriyaan heeso halkii ay dadka uga hoga-tusaaleyn lahaayeen muhiimadda maalintani u leedahay iyo hal-gankii dheeraa ee loo soo maray Soomaalilaand, taasoo ay ku soo bandhigi lahaayeen barnaamijyo tusinaya taariikhda hal-gankii dheeraa ee loo soo maray iyo waraysiyo dadkii goob-joogga ahaa laga qaaday.

Xuska 18ka May iyadoo ay tahay maalin xus iyo xusuus mudan. Muwaadin maalinta madaxbannaanideenu ma waxay noqotay;

1. Maalinta kaliya ee ay dadka reer Somaliland yihiin wadaniyiinta, xidhaan dhar ay ku xar-dhan yihiin calanka Soomaalilaand, gawaadhida lagu shaqlo midabada uu ka kooban yahay calankeenu.

2. In xafladdo lagu qabto Qasriga-Madaxtooyada oo ay ku baxdo lacag aan qadarkeeda la qiyaasi Karin iyadoo lacagtaas lagu qaban lahaa ama lagu dayactiri lahaa arimaha muhiimka ah ee bulshadu u baahan tahay sida horumarinta wadooyinka iyo waxyaabo badan oo danyarta iyo darbi-jiifka wax loogu tari lahaa (anigoon ka soo hor-jeedin xuska laakiin waxaan ii muuqatay in lacag aad u badan ay ku baxdo fantisayaha madaxtooyada ka dhaca, xusna waxaa inagaga filan inaynu beerta Xorriyadda subaxnimada ku xusno)

3. Maalinta kaliya ee ay fannaaniinta dalka joogtaa ay shaqaystaan, halkaas oo ay hudheelada magaalooyinka kala duwan ee dalka lagu qabto xaflado loogu magacdaro debaal-degga xuska sanad guurada madaxbannaanida Somaliland. Halkaas oo ay ka dhacaan xaflado huwan magaca debaal-degga laakiin ay marka dambe isku badalaan meelo fusuq iyo fasahaad aad u xun uu ka dhaco. Iyo Calankeenii oo TAWXIIDKII ku qoran yahay na lagu jaaso goobaha xafladaha lagu qabanayo, taas oo diin ahaan iyo dad-nimo ahaanna aan inoo fiicneyn. Halka Fannaaniinta dalka qurbaha joogtaana ay munaasibadda 18kaMay u dhigaan xafladdo aad u qiimo badan ay ku xusaan dalalka ay joogaan, lacagta ka soo baxdana la sheegay inay dalka dib ugu soo celiyaan si loogu qabto dadkooda iyo dalkooda kolba halkii u baahan. Lacagtaasna ana la ogayn cidda lagu soo hagaajiyo iyo meelo ay ku baxdo ba.

Ugu dambeyntii waxaan soo jeedin lahaa in maalintan 18kaMay oo ah maalin qaran in laga dhigo maalin laga shaqeeyo danta guud, kharashkan badan ee ku baxa xafladaha aan macnaha badan lahayn in looga faa’iideeyo laguna horumariyo wadooyinka, lagu dhiso goobo caafimaad, waxbarasho, in dhalinyarta loogu sameeyo shaqo-abuur, goobo madadaalo si ay uga joogsadaan AAFADA TAHRIIBKA iyo wax kasta oo wax u tari kara bulshadeena. Inay noqoto maalin-wax qabad. In da’yarta aan si fiican u garanayn halka ay ka timi 18kaMay ee ku garaadsaday uun xuskan loogu soo bandhiyo warbaahinta iyo goobaha dhalinyaradu ku kulanto.

Dadkuna inay ogaadaan in maalinkasta ay tahay maalin loo baahan yahay in wadani-nimadu shaqayso waad mahadsantihiin dhamaantiin.




W/Q: Maxamed Jaamac Meygaag Samatar (Action)
Skype: Mohamed-action
Twitter:@ActionJama

Hargeysa Somaliland