SOMALILAND OO SHIR CAALAMI AH KAGA QAYB GALAYSA DALKA NIGERIA

0
Tuesday May 06, 2014 - 10:28:34 in by Super Admin
  • Visits: 825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOMALILAND OO SHIR CAALAMI AH KAGA QAYB GALAYSA DALKA NIGERIA

    Wefti ka socda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dalka Nigeria (Nayjeeriya) ee galbeedka qaaradda Afrika kaga qaybgelaya shirweyne caalami ah oo furmaya Arbacada berri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti ka socda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dalka Nigeria (Nayjeeriya) ee galbeedka qaaradda Afrika kaga qaybgelaya shirweyne caalami ah oo furmaya Arbacada berri.

Shirkan oo ay ka qaybgalayaan madaxweynayaal ka socda dalalka Afrika, Ra’iisal-wasaaraha Shiinaha iyo ilaa hoggaamiyeyaal ilaa 900 xubnood ah, kana kala socda dawladaha caalamka, shirkadaha ganacsiga, ururrada bulshada, aqoonyahanno iyo khubaro aqoon u leh cilmiga dhaqaalaha, waxa uu magaalada Abuja ee dalka Nigeria ka furmi doonaa Arbacada berri ee taariikhdu tahay 7 May 2014, kaasoo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxana Somaliland uga qaybgalaya wasiirrada Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Ganacsiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Qoraal ka soo baxay ururka shirka qabanaya oo la yidhaa World Economic Forum oo nuqul ka mid ah wargeyska Jamhuuriyahelay, waxa lagu sheegay in arrimaha lagaga doodi doono muddada saddexda maalmood ah ee uu socdo (7-9 May) maalgashiga khayraadka Afrika, kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo arrimaha horumarka, waxana ilaa hadda xaqiijiyey inay shirkaas ka qaybgalayaan madaxweyneyaasha dalalka Nigeria, Bennin, Ivory Coast, Ghana, Kenya, Ruwandha, Senegal, Tansaniya, Togo, Ra’iisal-wasaarayaasha waddamada Shiinaha iyo Madagascar, arrintaasoo weftiga u ah fursad ay dunida iyo qaaradda Afrika ugu bandhigaan qaddiyadda aqoonsiga iyo maalgashiga khayraadka dihin ee ku duugan Somaliland.





Xigasho: jamhuuriya