Baarlamaanka Somalia oo Madaxweyne Xasan Sheekh usoo jeediyey inu is casilo haddi kale mooshin soo dhigi doonaan

0
Tuesday May 06, 2014 - 10:36:28 in by Super Admin
  • Visits: 919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Somalia oo Madaxweyne Xasan Sheekh usoo jeediyey inu is casilo haddi kale mooshin soo dhigi doonaan

    in ka badan 100 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa Madaxweynaha Somalia ka dalbaday inuu xilka iska casilo, haddii kalena ay sifo sharci ah xilka kaga qaadi doonaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

in ka badan 100 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa Madaxweynaha Somalia ka dalbaday inuu xilka iska casilo, haddii kalena ay sifo sharci ah xilka kaga qaadi doonaan.

Xildhibaanada ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukumaddiisa ku eedeeyay inuu ku fashilmay Hogaaminta Dalka. Waxay sheegeen in haddii sidan uu ku sii socdo dalku aanay suuroobayn in 2016-ka Doorasho laga qabto Soomaaliya, sidaasi darteedna inta wakhti hadhsan yahay ay bedelayaan Hogaanka Dalka.

Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble oo Baarlamaanka u hadlay ayaa sheegay inaanay haboonayn in Madaxweyne Xasan Sheekh sii hayo Xilka Madaxweynaha Somalia. Waxa uu sheegay inay hayaan tirada Xildhibaanada ee Xilka ka qaadi kara Madaxweyne Xasan.

"xidhibaanada bayaankan soo jeediyay waxay ku dhawaayeen 130 Xildhibaan waanay awoodaan in ay mooshin kakeenaan sida uu qorayo dastuurka dalku laakiin anagoo eegayana xaalda dalka iyo inaanu gelin khal- khal siyaasadeed ayaanu bayaan kan usoo jeedinay madaxwaynaha, haddiise madaxwaynuhu ka dhego adaygo bayaankan waxa aanu uwareegi doonaa qaabka saxda ah ee dastuurka noo ogolyahay.” Ayuu yiri Mudane Cosoble.

Xukumadda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan ilaa hadda ka hadal iscasilaada laga dalbaday iyo dhaliilaha loo jeediyay. Dhawr Bilood ka hor ayaa Baarlamaanku xilka ka qaaday Ra’isal wasaarihii hore ka dib khilaaf madaxweynaha kala dhex galay, iyadoo khilaafka Hogaanka Somalia uu noqday mid caado ah oo inta badan dhaca.




Afkashacabka.com
Muqdisho-Somalia/ Office
Contact@afkashacabka.com