SIDEE LOO QIIMEEYAA FURSADAHA GANACSI ? BY:ABDINAJAH ISMAIL ABDI

0
Tuesday May 06, 2014 - 11:08:59 in by Super Admin
  • Visits: 2407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIDEE LOO QIIMEEYAA FURSADAHA GANACSI ? BY:ABDINAJAH ISMAIL ABDI

    Qiimayn lagu sameeyo entrepreneur(qofka firkadda helay) iyo kooxda la shaqaynaysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qiimayn lagu sameeyo entrepreneur(qofka firkadda helay) iyo kooxda la shaqaynaysa,

Ina haddii fursad aad u heshid ama kugu dhalato fikrad ganacsi inta aanad waxba dhaqaajin horta arrimaha ka fikir dabeeto markad si wangsan uga baaran degto ilaahay la kaasho dabeetana dhaqaajin adigo mar walba si wangsan oo foojigan u qaaday hadba talaabo,Si loo ogaado fursadda maalgelin ee fikradi leedahay, waxa badanaa la sameeya qorshe(Plan) lagu qiimeeynayo kiradda. Qorshahaas, oo aad uga duwan (Business planka) waa mid kooban oo si fiicaan u qeexa fursadda maalgelin ee kirdaddaasi leedahay. Qorshahaas wuxu ka kooban yahay

          In si wangsan loo qeexo ama loo sheeg adeega(Service) & Alaabta(Goods)

          Qiimayn lagu sameeyo fursadda.

          Qiimayn lagu sameeyo entrepreneur(qofka firkadda helay) iyo kooxda la shaqaynaysa,

          Waxyaabaha loo baahn yahay si fursadda loogu beddelo gancasi shaqynaya oo taabbogal ah iyo

 

          Hantida maaalgelin ee loo baahan yahay si loo bilaablo

 

Marka la qiimaynayo fusadaha waxa la qadariya arrimo dhawr oo kal duwan kuwaas oo ay ugu mihiimsan yihiin Suuqa(Market), dhaqaalaha(Economics), soo noqodka(Returnka) waxa firkaddani kaga fiicaan tahay fikradaha kale(Competitive advantage) iyo maamuulka(Management).

Haddii aynu bal mid mid uu sii yar faah faahin arrimo dhawrka ah ee aynu kor ku soo xusaynay

Suuqa(Market):- Fursadaha fiicaan waxay daaha ka rogaan suuq daboonaa, suuqaas waxa uu leeyahay macamiil diyraar ah oo la gaari karo, mana jiraan shirkaddo waaweyn ama Brand  weyn ooka dhex muuqda suuqaas,sidoo kale fursaddaasi waa ,id cimri dheer, ugu yaraan inta maalgelintu ku soo noqonayso, faa’iido macquul ahna lga helayo sida oo kale, waaa suuqa aan buuxin  ama hadda madaxa la soo kacay(Emerging market) baaxaddiiu ballarn tahay walina koraya

Dhaqaalaha(Economics): Chancka ama fursadda fiicaan waa mid abuuri karta faa’iido la taabn karo, tusaale ah wakhti yar ayay qaadata in lagu dabool ama lagu bixiyo kharashka is bixinta(Break even point) waa halka ay iska jaran labad graph eek u tusayasay in ad is bixinayso,

Maammulka(Management): Fursadaha fiicaani waxay uu baahn yihiin maammul awood badan oo can ku ah xirfad iyo waaya’aragnimo, waay sumcad ku leeyihiiin suuqooda dhexdiisa, waxa intaas weheliya in maamuulkaasi can ku yahay  AMMAANO,dadka dhexdiisan ku leeyahay magac wangsan iyo qadarin.

Competitive advantage(Waxad kuwa kale fiicantahay): fikradda fiicaan waa mid ku habboonislan beddeli karta waqtiga & Technologaya,sida oo kale waxa jira Model ama qaab ka kooban shan talaabo(5 steps oo antrabranoorku  ama dadka firkaddaha dhaliya kulak alga ogaan karo furasadaha mustaqblka fiican leh iyo kuwa aan lahayn.

1-Qiimee fursadahaa

2-Baaritaan(research)

3-Qorshe same

4-Meele hantida loo baahan  yahay(allocation)

5-Hirgelinta fursadda(Implementation)

 

 

Ref,

-Ganacsiga Soomaalidda

-How to create successful business

-Articles badan oo uu leeyahay Siciid cali Shire

By:Abdinajah Ismail Abdi

najaxismacil@hotmail.com