Hordhac: Arsenal v Chelsea – Wenger Oo Maanka Ku Haya Inuu Ka Arguto Guuldaradii Ay Blues Baday Bishii Septmebr

0
Sunday January 24, 2016 - 09:40:12 in by Burco Office
  • Visits: 1056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Arsenal v Chelsea – Wenger Oo Maanka Ku Haya Inuu Ka Arguto Guuldaradii Ay Blues Baday Bishii Septmebr

    Kulanka: Arsenal v Chelsea Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 7pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Mark Clattenburg.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Arsenal v Chelsea Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 7pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Mark Clattenburg.


Arsene Wenger ayaa ku adkeysanaya in kulankaan uu yahay kulan derby ah oo kala dhaxeeya koox ay si toos ah u xafiiltamayaan laakiin dhibcaha u dhaxeeya kooxaha heysata horyaalka ee Chelsea iyo kooxda kaalinta seddexaad haatan kaga jirta horyaalka ayaa muujineysa tilmaam ka duwan tan Arsene Wenger.

Afar ka mid ah lixdii kulan ee ay Chelsea badisay horyaalka xilli ciyaareedkan waxa ay ka badiyeen kooxo ku jira 8da kaalimood ee ugu hooseysa horyaalka halka labada kulan kale ay ka badiyeen Crystal Palace iyo kooxda Arsenal kulankii ay la ciyaareen bishii September.

Guuldaradii ka soo gaartay Jose Mourinho bishii September ayaa weli carro weyn ku heysa Wenger, inkastoo haatan tababare Guus Hiddink ay tahay inuu cadeeyo in lixdii kulan ee aan laga badinin waqtihiisa Chelsea inaysan aheyn kaliya nasiib.


MAXAA KA CUSUB?

Labada xiddig ee saameynta leh ee Arsenal Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil ayaa taam u ah inay wajahaan Chelsea ka dib markii ay ka soo kala kabsadeen dhaawac muruqa ah iyo mid cagta ah.

Saxiixa cusub Mohamed Elneny ayaa weli sugaya inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeysay, halka ay xilli hore ku tahay in Francis Coquelin uu ciyaaro.

Kubadsameeyaha khadka dhexe ee Chelsea Eden Hazard ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawac uu ka qabay gumaarka, waxaana laga yaabaa inuu diyaar u noqdo kulankaan.

Diego Costa ayaa jug ay ka soo gaartay laf dheerta kulankii Everton ee isbuucii hore laakiin waxaa la filayaa inuu taam noqdo.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal (4-2-3-1):Cech; Bellerin, Mertesacker, Koscielny, Monreal; Flamini, Ramsey; Campbell, Ozil, Sanchez; Giroud.

Chelsea (4-2-3-1):Courtois; Azpilicueta, Terry, Zouma, Ivanovic; Matic, Mikel; Pedro, Fabregas, Willian; Costa.

MA OGTAHAY?

  • Chelsea ayaan laga badinin sideedii kulan ee ugu danbeysay horyaalka tan iyo markii ay Arsenal 5-3 ku badisay bishii October 2011.
  • Guus Hiddink ayaa sabab u ahaa guuldaradii ugu cusleyd abid ee Premier League ee Arsenal ku soo gaarta Emirates markii Chelsea ay ku badisay 4-1 bishii May 2009.
  • Seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee Emirates ka dhacday ayaa ku dhamaaday goolal la’aan. Iyadoo kulanka kale ay 2-1 ku badisay Chelsea.
  • Haddii Gunners ay ku guuldareysato inay gool dhaliso maanta waxa ay barbareyn doontaa rikoorkeeda ugu dheer ee aysan gool ka dhalinin hal koox oo Premier League ah (Lix kulan oo ay gool ka dhalinin Liverpool intii u dhaxeysay 1997-2000)
  • 482 daqiiqood oo ay garoon ku wada jireen labada kooxood Arsenal weli gool kama dhalinin Chelsea kulan horyaalka ah.