"Tababaraha Kooxda wataa isagaa ciyaarta dusha ka daawanaya, marba ciyaar yahan ayuu badalaa mid kale ayuu soo galiyaa" Agaasimihi hore warfaafinta

0
Tuesday May 06, 2014 - 18:59:17 in by Super Admin
  • Visits: 1019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Tababaraha Kooxda wataa isagaa ciyaarta dusha ka daawanaya, marba ciyaar yahan ayuu badalaa mid kale ayuu soo galiyaa" Agaasimihi hore warfaafinta

    Agaasimihii hore ee Wasaaradda warfaafinta Somaliland, Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, ayaa xilkii si rasmiya ugu wareejiyay agaasimaha losoo magacaabay Wasaradaas Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimihii hore ee Wasaaradda warfaafinta Somaliland, Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, ayaa xilkii si rasmiya ugu wareejiyay agaasimaha losoo magacaabay Wasaradaas Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase)


Munasibada xilwareejinta oo ay ka soo qaybgaleen, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, Xildhibaano, Afhayeenka Madaxweynaha, Badhasaabka Gobolka Gabilay, Xoghayaha dawladda Hoose iyo marti sharaf kale waxay ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha guud ee Xilka wareejiyay, ayaa ku dheeraaday waxyaabihii u qabsoomay mudaddii uu xilka Wasaradaas hayay, wuxuuna tilmaamay inay wakhtigaas u hirgaleen, Ilaacadda weyn oo dalka wada gaadhay, FM-yada Qur-aanka kariimka ah oo dalka Magalooyinkiisa waa weyn laga dhagaysto, Xafiisyo tirobadan, hoolal la dhisay, Gawaadhi gaadhaysa 10 baabur oo cusub iyo waxyaabo kale, kuwaas oo dhammaantod ah horumarka ay Wasaaraddu ku talaabsaday mudadaas, Agaasimihii hore wuxuu u mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Silaanyo oo uu sheegay inuu xilkaas u igmaday isagoo ah dhalinyaro isla markaana uu uga mahad celinaayo hadda uu uu ka qaaday, isagoo goobtii kaga tiraabay maah maah si weyn loogu sacabiyay oo uu yidhi Agaasimihi hore, "Tababaraha Kooxda wataa isagaa ciyaarta dusha ka daawanaya, marba ciyaar yahan ayuu badalaa mid kale ayuu soo galiyaa, marba dhacda isagoo badiyay hadana uu ciyaar toyga badalo si uu lexejeclo ahaan ugu dhigto ciyaarta danbe.” ayu yidhi Agaasimihii hore Mudane Cabdirashid




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com