Khilaafka Xasbi Xaakimka Kulmiye oo Curyaamiyey Hawlihii Qaranka fursad-na siiyey Cadawga Somaliland

0
Friday February 14, 2014 - 06:41:22 in by London Office
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Xasbi Xaakimka Kulmiye oo Curyaamiyey Hawlihii Qaranka fursad-na siiyey Cadawga Somaliland

    War-sxaaafadeedka uu soo saaray Afhayeenka Difaacayaasha Madaxabanaan Ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bullaale waxa uu u dhignaa sidan:-.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka Xisbiga Kulmiye
War-sxaaafadeedka uu soo saaray Afhayeenka Difaacayaasha Madaxabanaan Ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bullaale waxa uu u dhignaa sidan:-. Afhayeenka Difaacayaasha Madaxabanaan Ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bulaale ayaa war-saxaafadeed uu warbaahinta siiyey ku tilmaamay macluumaad ay ka soo ururiyeen adeegyada xukuumaddu u hayso bulshada in uu ragaadiyey khilaafka Xisbiga Kulmiye. 
Saleebaan Bulaale waxa uu warbixintiisa ku sheegay khilaafka Xisbiga Kulmiye in uu abuuray khilaafka Golaha Wakiiladda ka dhex taagan isla markaana khilaafaadkaasi ay u adeegeen cadawga Somaliland. 
War-sxaaafadeedka uu soo saaray Afhayeenka Difaacayaasha Madaxabanaan Ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bullaale waxa uu u dhignaa sidan:-
Saamaynta xun ee nidaamka dawladnimo doorashooyinka uu ku leeyahay khilaafka xisbiga kulmiye dhexdiisu 
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay u arkaan mushkilad qaran khilaafka ka jira gudaha xisbul xaakimka Somaliland ee KULMIYE ilaa xad waxanu dareensanahay in khilaafka Xisbiga KULMIYE uu caqabad wayn ku yahay socodsiinta hawlaha qaran ee ay Xukuumada dalku qaranka u hayso iyadoo dalku marayo marxalad xaasaasi ah oo u baahan in nidaamka dawladnimo uu si buuxda u shaqeeyo ayaa khilaafka KULMIYE oo gaadha in uu markasta dibada iyo warbaahinta u soo baxo taasi oo curyaamin karta habsami u socodka hawlaha qaranka. 
Sidoo kale waxa uu gaadhay in uu markii ugu horaysay Khilaafka Xisbiga KULMIYE fursado siiyo cadowga Somaliland iyo in Wakiiladii Somaliland meel mariyaan Mooshino dhabarjab ku ah qaranimada Somaliland. 
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay ugu baaqayaan Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mud. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwaynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo” in ay sida ugu dhaqsaha badan u 
qaadaan talaabooyin degdeg ah oo lagu soo afjarayo Khilaafka Xisbiga KULMIYE ragaadiyay oo haddii xal kama dambays ah ay u heli waayaan saamayn fool xun ku leh qaranka Somaliland. 


Afkashacabka.com
Hargeysa/Office