Kooxda Atletico Madrid Oo Doonaysa In Ay Diego Costa Dib Ugu Soo Celiso Calderon Iyada Dalab 45 Milyan Ah Ka Gudbisay Costa Iyo Chelsea Oo Dalabkan Iska Diiday

0
Sunday January 31, 2016 - 11:02:16 in by Burco Office
  • Visits: 1267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Atletico Madrid Oo Doonaysa In Ay Diego Costa Dib Ugu Soo Celiso Calderon Iyada Dalab 45 Milyan Ah Ka Gudbisay Costa Iyo Chelsea Oo Dalabkan Iska Diiday

    Cheslea ayaa kooxda Atlético Madrid ka diiday dalab 45 milyan oo euros ahaa oo ay kooxda Simeone ku doonaysay in ay Diego Costa dib ugu celiso Calderon laakiin Blues ayaa kooxda ree Spain ee A. Madrid u sheegtay in ayna dalabkeeda aqbali karin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cheslea ayaa kooxda Atlético Madrid ka diiday dalab 45 milyan oo euros ahaa oo ay kooxda Simeone ku doonaysay in ay Diego Costa dib ugu celiso Calderon laakiin Blues ayaa kooxda ree Spain ee A. Madrid u sheegtay in ayna dalabkeeda aqbali karin.Atletico Madrid ayaa dalabkan soo gudbisay khamiistii iyada oo wakiilka Costa ee Mendes uu Chelsea u soo gudbiyay balse Blues ayaan ku daahin ay dalabkan iska diido.


Diego Simeone ayay xili ciyaareedkan kooxdiisa ay haysataa dhibaato gool yaaraan ahi, wuxuuna doonayaa in uu Costa dib ugu soo celiyo kooxdiisii hore balse Chelsea ayaa dalabka Atheltico Madrid iska soo diiday.Markii uu Mourinho joogay ee uu Costa qaab ciyaareedka liita ku jiray ayaa si wayn loola xidhiidhinayay in xidiga ree Spain uu dib ugu laabanayo A.Madrid balse xaalada ayaa hadda u muuqata mid sidaa ka fog.

Madaxa fulinta kooxda Atletico Madrid ee Miguel Angel Gil Marín ayaa Simeone u damaanad qaaday in uu dalab wayn ka gudbiyo Diego Costa iyada oo ay waliba jiraan bartilmaameedyo kale oo uu ka mid yahay gool dhaliyaha kooxda Deportivo ee Lucas Perez balse isku dagii A.Madrid ee ahaa in ay Costa dib ugu celiso Calderon ayay Chelsea soo diiday.

Sida ay ku warantay jariirada AS ee Madrid ka soo baxda, Atletico Madrid ayaa shirkii ugu danbeeyay yeelatay khamiistii iyada oo Simeone uu markale sheegay in uu doonayo sidii Diego Costa dib loogu soo celin lahaa kooxdiisa. Wakiilka wakiilada ee Jorge Mendes ayay Atletico Madrid doonaysaa in uu door wayn ku yeesho in Costa dib loogu soo celiyo Spain balse kooxda Abramovich ayaa maya ku soo jawaabtay.Costaa

Bilawgii wada xaajoodyada dalabka Atletico Madrid ay ku doonaysay Diego Costa waxaa qayb ka ahaa Jackson Martínez, laakiin markii danbe A. Madrid ayaa Jorge Mendes u dhiibtay dalab 45 milyan oo euros ahaa kaas oo Chelsea loo gudbiyay khamiistii, wuxuuna hadda tababare Simeone aanu kalsooni badan ku qabin Jackson, Torres ama Vietto. Iyada oo Chelsea dhinaceeda ay Atletico Madrid ka doonayso Griezmann hadda Blues ayaan u muuqan in ay doonayso bixitaanka Costa.