Grathe Bale Iyo Pepe Ma U Safan Karaan Real Madrid Kulanka Ay Wajihi Doonto Naadiga Espanyol

0
Sunday January 31, 2016 - 11:19:47 in by Burco Office
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Grathe Bale Iyo Pepe Ma U Safan Karaan Real Madrid Kulanka Ay Wajihi Doonto Naadiga Espanyol

    Kooxda Real Madrid waxay caawo garoonkeeda Barnebua ku qaabili doontaa naadiga Espanyol kulan ka tirsan La Ligaha Spain oo ay guul u baahan tahay. Hadaba macalin Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay in labadiisa cayaaryahan Grathe Bale iyo Pepe aysan kul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Real Madrid waxay caawo garoonkeeda Barnebua ku qaabili doontaa naadiga Espanyol kulan ka tirsan La Ligaha Spain oo ay guul u baahan tahay. Hadaba macalin Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay in labadiisa cayaaryahan Grathe Bale iyo Pepe aysan kulanka caawo diyaar u noqon karin.

Bale ayaa tababarkii ugu dambeeyay kaligiis qaatay sidoo kalena wuxuu awoodi waayay inuu kooxda xidigaheeda wax la qeebsado.

Sidoo kalena daafaca awooda badan Pepe isagana weli diyaar garow ayuu wada mana gaarin heer uu kulan adag kasoo muuqdo.

Macalin Zidane ayaa xusay in Bale iyo Pepe todobaadka Madrid dib ugu soo laaban doonaan sidoo kalena ay cayaari karaan kulamada kooxdiisa kusoo fool leh.

Maqnaan shaha Bale waxay dan ugu jirtaa James Rodriguez oo markale la filaayo in lagu soo bilaabo kulanka caawo.

Sidoo kalena Sergio Ramos iyo Raphaƫl Varane ayaa iska garab cayaari doonaan kulanka Espanyol si ay booska Pepe si wadajir ah u buuxiyaan.