Berbera Shalay iy Maanta W/Q:Abdikhadar Hies Abdi

0
Thursday February 04, 2016 - 08:25:56 in by salman abdi
  • Visits: 1589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berbera Shalay iy Maanta W/Q:Abdikhadar Hies Abdi

    Goobtu Waa Badhtaamaha Berbera, Kal-Tirsuuguna Waa 2009 Bishi 7aad, Waxanuu Ka Qaxweeyneynaa Maqaaxii Ku Taala Xafada Barwaqo Agaagarka Masjid Jaamaca,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goobtu Waa Badhtaamaha Berbera, Kal-Tirsuuguna Waa 2009 Bishi 7aad, Waxanuu Ka Qaxweeyneynaa Maqaaxii Ku Taala Xafada Barwaqo Agaagarka Masjid Jaamaca,

Anaago Nimaan Dhalinyaro badan ah, Waa Runtiin Sida aad Maleysaaneysiin Dhamaan Tayo Marka Tiro Yar Oo Wiilal ah Laga Reebo Waxay Ahayd Markii Noogu Horeysey, Awal Hore Dhagta Ayuunban Ka Maqli Jiirney Magaalo Xeebedtan Moofadi Boodhariina Ku Dhex Taalo.


Muuqaalka Guud Ee Magaaladu Wakhtigaas Waxay Kala Sinaayad Magaaloyinka Kale Ee Dalka. Waxaayna Ka Mid Ahayd Magaalooyinka Sida Xowliga leh u Dhismayeey, Dhanka Wadooyinku Yeeyba Wakhtigaas Wadooyin Waaweyn Oo Casri ah Dhisnaanebe Waxaay Lahayd Wadooyin Waafi ah, Oo Anaad Saaxmad iyo Culeys Wado Midna aanad Ka Dareemeyn, Dhanka Ganacsiga Oo Laaguba Tiiriyo Xudunta Ganacsiga Ee Dalka, Shirkaada uugu Tunaanka Waaweyn Waxaay Ka Wadeen Dhismayaal Waaweeyn Oo isuugu jirey Goobo Ganacsi Sida (Hotels,Bakharo, IWM), iyo Goobo banaan Oo Dayraar Waaweyn Laagu Soo Xayndaabey kuwaas oo sii Cad uga dhex muqaanayeey Daafaaha iyo guudaha Magalada. Haddi Aynuu Dhanka Waxbaraashada Eegno Wakhtigaas, Waxbaraashaddu aad umeey Xooganeeyn, Waxaana Cadeymo Igu Filnaa Dhalinyaaradda Waxbaraata Tirsigoodo aad u yaraa iyo Dugsiyo, Jamacad Badan Oo Aaney Dagmaadu Lahayn wakhtigaas. Inkastoo Awooda Dhalinyaro tahay, Keebka Rida Rasaasta Horumarka iyo Dibu Dhaca Bulsho, Hadana Wakhtigaas Si fiican Loogama Fa’iideysan Jirin Awoododa, Waana Ta Keentey In Ay Dhalinyarada Reer Barbara Wakhtiigas U kala Qeybsaman Sadex Qeybood Oo Kala Ah a. Dhalinyaro Wax-baratey, Ka Bacdina Isku Qancisey In Aysan Halkani Suura Gal U Ahayn Hanka Fog Ee Ay leeyihin iyo Rajadooda Danbe, Aakhirkiina Dhalisey

1.in ay Gobolada Dalka Shaqooyin ka Raadsadan ( Hargysa, Burco IWM).

2.Dhalinyaro Aan Boqolkiiba Konton (50%) Ku qanacsaneyn Deganka Ay Ku nool Yihiin, Isla Markaana laga Dareemayey Niyad Jabka Iyo Rajo La’aanta Xoogan, Dhinacyada ( Wax-barashada, Shaqada Iyo Dayaca Guud Ee Bulshadooda Haysta).

3.Dhalinyaro Badan Oo aad u Niyad Jabsaneyd Akhirkiina Go’aansatey In Ay Tahriiban, Imikana Suura Gal Ay Tahay In Qaar Ka Mid Ahi Ay Ku Geeriyooden Saxaara iyo jeelasha liibiya, Sudan iyo Ethiopia, Halka Kuwa Kaleena Suura gal ay tahay, In Xerooyinka Qaxoontiga Ee Qaarada Yurub ku yaala ay ku cadibanyihin.

4.Sido Kale Wey yaraayen Dhalinyarada Fir-fircoonayd Ee Dagmada Arimaheeda u Ololeeya, Ama Golaaha Degaanka Ee Dagmada Kala Shaqeeya Arimaha Horumarinta Bulshada.

Arimahaas iyo Qaar Kale Oo Badaniba Waxay Cadeymo Cad u ahaayeen Habkii Maamul iyo Siyaasadeed Ee Dawladaa Hose/Dhexe Ee wakhtigaas Jirtey. ,

7 Sano Ka Bacdii.

In Kastoo Nooloshu Iska Waayo iyo Wajiyo Badan tahay, Waxaan Mudo 7Sano Ka Dib Safar Shaqo Ugu Anbo Baxney Berbera, Aniga iyo Dhalinyaro Badan Oo Haldoorka Umadan Ka Mid Ah, Inkasta Oo Aanu Ku Sugneyn Mudo Ka Badan 14 Saac, Hadana Saacadaha Koobna Ee Aan Joogey Waxaay Aniga Iloo Macno iyo Misaan Lahaayen 84Bilood Wax u dhigma, Waayo Waxaan Xooga Saray in aan isku dayo in aan Bal Wax Ka Ogaado Arimo badan Oo Dhanka Bilicda Magaalada iyo Arimaaha Bulshada isugu jirey Oo Dayac Xoogle laga Dareemayey Mudo 7 Sana Ka Hor.

Haa Waa Runtiin Sidaa Aad Idinba Isu Weydiineysaan Wey adagtahay Labada Arimood Ee aan Kor Ku Soo carabaabey In Mudo Yar Oo Kooban Qeybo Ka Mid Ah Wax lagaga Qabto, Waayo Ilbaxnimooyinka Shucuubta Africa ayaysan Dabcigooda ahayn in Mudo Sida u yar Isbadal La taaban karo La Sameeyo, Laakin Waa Wax Bulshooyinka Africanka iyo Bulshada Geeskuba Ku Farxaan ah In Ilbaxnimadii Ku Dhisneyd Wayo-aragnimo la’aanta iyo Aqoon-liidasha Maanta Reer Somaliland Jabiyeen Khaasatan Reer Barberi, Sido Kalena Ay Hal-Abuuren Xadaarad Cusub Oo Ku Qotonta Dal Jacayl iyo Dad Jacayl

Arimahaas Oo Cadeymo Cad-Cad Inoogu Filan, Arimaaha aadka u Waa Weyn Ee Degmada Laga Qabtey Maalinkan Maanta Ah Laakin Awal Dadku Aysan Ku Fikiri Jirin in ay qabsomi karaan. Waxaana Ka Mid ah Arimaahas Aadka U Xiisa Badan.

1. Dawlada Hose Ee Degmada Berbera Oo Si Dhab ah u Qaadatey Siyaasada Horumarinta Dagmada.

2. Habka Maamul Wanaaag Ee Degmada Oo aad Looga Shaqeeyey iyadoo La Sameeyey Maamul Daadajin Rasmi ah Oo aan Mid Siyaasadeed Ama Diplomacy-yadeed aheeyn .

3. Baahiya Horumarineed Ee Dagmada Oo Lagu Sar Gooyey Baahiyaadka Kala Duwan Ee Ay Qabaan Bulshada Reer Saaxil khaasatan Reer Berberi, Halka Wakhtiiyadi Hore Arimaaha Dhanka Horumarka ay Soo Go’aamin Jiren Dad aan Duruf iyo Xaal Ogayn Bulshada ay Deeganka.

4. Rajadii (Moral) Da’ayarta Reer Berbera Oo aad Kor Loogu Soo Qadey, Adigo Ka Dareemaya Sida Wanagsan Ee Ay ugu Qanacsin Yihin Degmadooda ayaago si niyaad Samaan Badani ka muuqato ugu dhaq-dhaqaaqaya Dagmadooda.

5. Kobac Balaadhan Oo Ka Muuqda Dhanka Wax-barashada Guud ahaan Gobolka Gaar ahaan Degmada Berbera, iyado laga Hir-galiyey Dugsiyo iyo Jaamacado Hor leh . Halka Jamacadaha Qar Ayba Khaas U Noqdeen Degmada Sida Jamacada Barashada Culuumta Badda.

6. Midawga Dhalinyarada iyo Ururadi Dhaalinyarada Oo aad u Soo Badanaya, Halka Awal Ay Ka Hayaami Jiren iyago u hayaami jirey Dagmooyin Kale Dalka markii ay ka waaweeyen Maahiyadkii Dhalinyarnimo ee ay u baahnayeen.

7. Ganacsatadii Oo Aad u Maal Gashaneysa Degmada iyago Qaar Aad Moodid In Tartar Xoogan Oo Dhanka Qurxinta Magalada ahi ay Ka Dheexayso una Bineynaya Magaalada Qaab Casri ah, Dhismayaasha Qurxoon Ee Ay Ku Soo Kordhiyeena ay si aad ah uga dhex Muuqdaan Guud ahaan Gobolka Gaar ahaan Degmada.

8. Wadooyinka Iyo Goobaha Danta Guud Oo Aad Loo Dhisay Loona Qalabeeyey Qaab Aad u Heer Sareysa,

Intan yar Ee aan Kor ku soo Xusey iyo In Ka Faro Badan Oo aan Ka Il-duufeyba Waa Arimo Aan Marnaba Indhaha Laga Qarsan Kareyn Oo Dagmada Laga Qabtey Mudaadi u dhaxeysey 7Sano.

Haa Faalada Guusha Ruux Kastaaba Dhan Ayuu Iska Taagi Doona Laakinse Anigu Waxaan Amiinsanahay In Sirta ugu Weyn Ee Ka Danbeysa Guushan Degmada Berberi Ku Naaloneyso Maanta Ay ila Tahay. Siyaasada Cadaanka ah ee Dawlda Dhexe iyo Ta Hose Ee Dagmadu Wadaajir u qaaten Unaa Fulinayaan, Dhalinyarada Aadka U Dalka iyo Dadka Jecel Ee Ku Kulmey Mamulka Dawlada Hose Degmada Berbera, iyo Sido Kale Dacaadnimada , Masuuliyada, Xilkasnimada Ka Muuqata Masuuliyiinta Dagmada,

Guntii Iyo Gaba-gabadii Qormadeyda Waxaan Odhan Lahaa Cidkasta Oo Ka Shaqeysey Horumarinta Isha Somaliland (Waa Barbere) Alle Ha Idinka Abaal Mariyo Anaguna Haddi Aanu Nahay Dhalinyarada Dalka Waxaa Wanaagsan Ee aad Qabateen Waanu Idin Ogsoonahay Halkaasna Dadaalka Ka Sii Wada Alle Ha Idin Wada Guuleyo Dhamaantiine,

Dhanka Kale Masuulinta iyo Madaxda Dagmooyinka Kale Ee Dalka (Borama,Gabiley,Hargysa,Burco,Lascanood,Cerigaabo) Waxaanu Cod Dheer ku leenahay , Dunidan Maanta Casriga ah Aynuu Ku Unkaanahay Sheyga Qudha Ee Hadhaaga Ama Baaqiga Ka Noqda Ruuxa Masuulka Ah Waa Taariikhdiisa Wax-Qabad, Sida Aawadeed Dhamaantin Isku Daya In Aad Ka Tagtaan Taariikh Wanagsan Oo Umadu Idinku Xasuusato Idinkana Idin Noqota, Wax Tar Aad Ku Faantan Mustaqbalka Danbe.

Wabilaahi Tawfiiq

Mahadsanidin

W/Q:Abdikhadar Hies Abdi

Moh’ed Ali

Burao-Somaliland