Daawo Sawiro+Qarax Ismiidaamin Ah Oo Afaafka Garoonka Diyaradaha Muqdisho Lagu Bartilmaameedsaday Baabuur ay Leedahay Qaramidoobay

0
Friday February 14, 2014 - 06:46:59 in by London Office
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawiro+Qarax Ismiidaamin Ah Oo Afaafka Garoonka Diyaradaha Muqdisho Lagu Bartilmaameedsaday Baabuur ay Leedahay Qaramidoobay

    ooxda Al-shabaab ayaase sheegatay masuuliyada qaraxa maanta dhacay, Afhayeen u hadlay kooxda oo la yiraahdo Abu Muscab ayaa ku tookhay in ay dhinteen 13 ruux oo ay ku jiraan ajinebi iyo askartii ilaalinaysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

qarax muqdisho ka dhacay
ooxda Al-shabaab ayaase sheegatay masuuliyada qaraxa maanta dhacay, Afhayeen u hadlay kooxda oo la yiraahdo Abu Muscab ayaa ku tookhay in ay dhinteen 13 ruux oo ay ku jiraan ajinebi iyo askartii ilaalinaysay. 6 ruux oo mid haweenay tahay ayaa la sheegayaa in ay qaraxa ku dhinteen, waxaana dhaawacmay ilaa 15 kale, sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka gobolka Banaadir Warsame Joodax oo weriyaasha la hadlay.
moga16
Kooxda Al-shabaab ayaase sheegatay masuuliyada qaraxa maanta dhacay, Afhayeen u hadlay kooxda oo la yiraahdo Abu Muscab ayaa ku tookhay in ay dhinteen 13 ruux oo ay ku jiraan ajinebi iyo askartii ilaalinaysay.
moga18
Qaraxa ayaa lala eegtay baabuur siday dad Ajinebi ah oo ku jeeday garoonka Muqdisho, warar aan helayno ayaa xaqiijinaya in weerarka ismiidaaminta ah si toos ah loola eegtay baabuurka ku jeeday garoonka, wuxuu u egyahay mid si qotodheer loo qorsheeyey.
Hal qof oo naftiisa huray ayaa loo badinayaa inuu waday gaariga qaraxa dhaliyey.
moga14
Baabuurka la weeraray ayaa waxaa lahaa hay’adaha UNHCR. War-saxaafadeed soo baxay goor dhowayd oo galabta ah ayaa QM waxay ku beenisay in khasaare ka soo gaaray weerarka maanta dhacay.
Ururka midowga Afrika ayaa canbaareeyey weerarka maanta dhacay, danjiraha midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed Salah Annadiif ayaa dadweynaha soomaalida ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan.
Weerarka maanta dhacay waxaa uu ku beegmay xili xalay ay Al-shabaab duqaymo ka geystay Muqdisho, amaanka caasimada Soomaaliya ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya oo aan la isku helayn karin labadii toddobaad ee la soo dhaafay
Afkashacabka.com
Muqdisho/Somalia