18 MAY MAHA MAALIN LA JAASO EEE WAA MAALIN MUDAN IN LOO DUCEEYO DADKII DALKAN XORNIMADIISA KU NAF WAAYEY WQ. Ducaysane Hiis Abdi

0
Wednesday May 07, 2014 - 15:15:33 in by Super Admin
  • Visits: 1513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    18 MAY MAHA MAALIN LA JAASO EEE WAA MAALIN MUDAN IN LOO DUCEEYO DADKII DALKAN XORNIMADIISA KU NAF WAAYEY WQ. Ducaysane Hiis Abdi

    WANA MAALIN U BAHAN IN ILAHAY LAGA BARYO IN UU DALKA ICTIRAF DAG DAG AH SIIYO!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WANA MAALIN U BAHAN IN ILAHAY LAGA BARYO IN UU DALKA ICTIRAF DAG DAG AH SIIYO!!!
.
18 may waa Malin nasiib u yelatey in ay baal weyn ka gasho Taariikhda Somaliland, waa maalin aan ku iman dhayeel dhayeel, in 18 may lagu dhawaaqo waxa ka danbeysey markii reer Somaliland naf iyo maalba ay xasuuqdey xukumadii Siyaad Barre.

18 may waa malin ka duwan maalmaha kale ee Dalku leyey, marka laga eego dhanka dareenka, waxa ay ku fadhidaa xuska boqolaal kun oo shacabka Somaliland oo ay xasuuqdey xukumadii Siyaad Barre.

18 May waa astaan u taagan in aynu nahay Dal doonaya in aynu caalamka ka helno Gooni isu taag Rasmi ah. Waana calaammada ay isticmaasho Somaliland marka ay caalamka qadiyadeeda hor dhigeyso.Madama 18 may ay sidaas qiimo ugu leedey shacabkeena iyo dalkeenaba , waxa is weydiin leh iminka sidee loo xusaaa 18 may? .

Iminka Dal iyo Dibadba oo calamka ku yal oo reer Somaliland ay ku noolyihiin waxa lagu qabtaa xaflado , xafladahaas waxa ay noqdeeen qaar loogu yeedhey in Somaliland lagu xusaayo. Xafladaas marka aad u fiirsato waxa kaaga soo dhex baxaya in ay yihiin qaar damashaad ah, lakinse aney ahayn qaar ka turjumaya in ay Somaliland soo martey wakhti murugo leh. Waxa intaa ku dheer in dalka dibadiisa iyo gudihiisaba in la kireysto Hotelo .Hoteladaas oo ay mamulayaan dad calooshood u shaqaystayaal ah oo doonaya habeen ku taajir in ay noqdaan.

Waxa xusid mudan fananiintii in ay cadeysteen in ay malayiin dollar ka qadaan malintaa Shacbi weynaha Somaliland, Somaliland miyey u bahantey in lacag lagaga ururiyo Malin aan u bahneyn in la jaaso, laheeso.

Somaliland waxaay u bahantey in ay wax ka badasho sidan iminka loo xuso 18 may, iyada oo la tixracayo aqoonsi raadinta, anigu waxan oran lahaaa shacbi weynaha Somaliland hayska dayan u Hoteladan ay habeenkii ku jasayaan ee ha ku hor mudaharadan dal wal oo calamka ku yaal Barlamankiisa iyo wasaradaha arimaha dibada, hana baraan qadiyada Somaliland iyo Malintan sidey ku timid. Xukumada iyo Axsaabta qarankuna hakala qayb galaan Malintan shacbiweynaha meel wal oo ay joganba.

Reer Somalialand hays xasuusiyaan iyaga oo isticmalaya sawiro, dawasho iyo sheekoooyinkaba dagaladii SNM ee dhex marey Xukumadii siyaad barre iyo sidii ay reer somalialnd guushu u raacdey. Dhalanka dhashey wixii ka danbeyey dagalkii dub u xoreynta dalku garan mayan manay arag Ragii dalkan Soo xoreyey ee kaymaha ugu jirey bilaha cuntana aan cunin, sidii ay u xoreyn lahaayeen dalkooda, waa in loo duceeyaa dadkii ku dhintey ama ku naafoobey dib u xoreyntaaas…….



Qalinkii : Axmed-weli Xiis Cabdi ( Ducaysane)
Burco/Somaliland
Nasiib_12@hotmial.com