Ileyn Intaan Qayilayey Ayaa Rag Xoogsaday Qalinkii :M J Farah

0
Sunday February 07, 2016 - 09:05:05 in by salman abdi
  • Visits: 1416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ileyn Intaan Qayilayey Ayaa Rag Xoogsaday Qalinkii :M J Farah

    Qaadiro wuxuu qurbaha soo galay isaga oo 16 jir ah waxaa uu gacan ka helay habaryartii oo ku soo dartey 4 caruura oo ay dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaadiro wuxuu qurbaha soo galay isaga oo 16 jir ah waxaa uu gacan ka helay habaryartii oo ku soo dartey 4 caruura oo ay dhashay.

wuxuu ka soo jeeday qoys danyar ah oo deganaa tuulo ka mid ah tuulooyinka galbeedka Somaliland.Abihii wuxuu ku dhintay gacanta ciidamadii qaybta 26 aad ee somaliya, ka dib markii lagu eedeeyey in uu gurigiisa raad soogalay ah in uu qalbiga kaga jiro taageero uu u hayo ururkii SNM ee la dagaalamayey xukumadii Maxamed Siyaad Bare,balse arintaa oo aan wax cadayna loo haynin ayaa uu ka mid noqday dadkii sida xaqdarada ah loo daadiyey dhiigooda.

Qaadiro waxaa uu ahaa 3 caruura oo uu abahaasidhalay midii ugu weynaa, waxaana uu noday mid ay la soo gudboonaatey masuuliyad culus oo ah in uu xil qaado 2 caruura iyo hooyadii isaga oo dadiisu tahay 10 sano ayaa ay dhaceen dagaaladii xasuuqa ahaa ee shacbigii waqooyiga somaliya. Tuuladii uu daganaa baa ciidamadii somaliya gubeen oo dab qabadsiiyeen,iyaga oo xitaa u ogolaan in shay qudha kala baxaan alaabtoodii taalay guryahooda dhexdooda.Qaadiro dhacdooyin xanuun badan ayuu goobjoog u soo ahaa,sida toogashadii aabihii,gubidii gurigooda iyo tuuladii uu ku noolaa oo dab la qabadsiiyey.Arimahaasi waxay ku reebeen raad aan wanaagsanayn maskaxdiisa.Yaraantiisii wuxuu ku soo barbaraarey nabad gelyo iyo tuulo la iswada jecel yahay ,wuxuu ka mid ahaa ardada waxbarshada aad ugu fiican ee dugsiga hoose dhexe ee tuuladiisa………..

La soco qaybtaha dambe ee sheekadan gaaban



Mahadsanidin


Qalinkii :M J Farah


Ind.Political analyst and writer