Baraf markii labaad ku habsaday Koonfurta Maraykanka

0
Friday February 14, 2014 - 06:50:21 in by London Office
  • Visits: 1144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baraf markii labaad ku habsaday Koonfurta Maraykanka

    Duufaano Baraf wata ayaa todobaadkii labaad saameyn weyn ku yeeshay dhulka Koonfurta Maraykanka oo kamid ah gobalada cimiladoodu kulushahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

baraf marakale ka da'ay dalka usa
Duufaano Baraf wata ayaa todobaadkii labaad saameyn weyn ku yeeshay dhulka Koonfurta Maraykanka oo kamid ah gobalada cimiladoodu kulushahay. Gobalada Georgia iyo South Carolina oo kamid ah goobaha cimiladooda kulu shahay ayaa waxaa ka da’ay baraf xoogleh kaasi oo xaafadp badan ka jaray korontaadi. 
Ugu yaraan 11 qof ayaa shalay (Arbaca) ku dhimatay shilal la xariira barafka ku habsaday qeybo kamid ah gobalada Georgia iyo South Carolina. 
Barack Obama Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku dhawaaqay goobahaasi ay musiibo ka dhacday, gurmad deg deg ah la gaarsiinayo. 
28kii Janaayo ayey ahayd markii baraf noocan oo kale ku habsaday magaalada Atlanta ee gobalka Georgia, taasi oo keentay in dad badan ku xanibmaan wadooyinka, halka caruur badan ay dhex seexdeen iskuuladii ay ku jireen. 
Duufaanta Barafka wadata ayaa hada la saadaalinayaa inay u sii gudbi doonto gobalada Waqooyi Bari ee wadanka Maraykanka. 
Guddoomiyayaasha gobalada inta u dhaxeysa gobalka Louisina illaa gobalka New Jersey ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxaana la xiray goobo badan oo ay ku jiraan goobaha waxbarashada iyo ganacsiga. 

Afkashacabka.Com
Newyork/News Desk