
Dawlada Somaliya Oo Ku Dhawaaqday Natiijada Baadhistii Lagu Waday Qaraxii Ka Dhacay Gudaha Diyaarada Daallo.
Dawlada somaliya ayaa ku dhawaaqay natiijada baadhis dheer oo ay ku waday qaraxii ka dhacay gudaha diyaarada daallo todobadaadkii hore.
Diyaarada qaraxu ka dhex dhacay oo nooceedu ahaa Air Bus 32, kuna socotay wadanka Djaboui ayaa waxa saarnaa n 74 qof oo rakaab ah iyo 7 qof oo shaqaale ah.
Xukuumada somaliya ayaa shaaca ka qaaday natiijada ka soo baxday baadhista lagu waday qaraxa ka dhex dhacay gudaha diyaarada, waxaanay dawladu sheegtay in baadhis dheer oo ay sameeyeen khubaro somaali ah iyo kuwa caalami ah ay xaqiijiyeen in qaraxii ka dhacay gudaha diyaaradu uu ahaa mid la doonayey in lagu wax yeeleeyo diyaarada iyo dadkii saarnaa isla markaana aanu ka dhalan cilad farsamo.
Dhinaca kale ciidamada amaanka somaliya ayaa gacanta ku dhigay 20 qof oo ay sheegeen in lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay gudaha diyaarada Daallo.
Contact@afkasacabka.com
Dawlada Somaliya Oo Ku Dhawaaqday Natiijada Baadhistii Lagu Waday Qaraxii Ka Dhacay Gudaha Diyaarada Daallo.
Dawlada somaliya ayaa ku dhawaaqay natiijada baadhis dheer oo ay ku waday qaraxii ka dhacay gudaha diyaarada daallo todobadaadkii hore. Diyaarada qaraxu ka dhex dhacay oo nooceedu ahaa Air Bus 32, kuna socotay wadanka Djaboui ayaa waxa saarnaa n 7