Tababare Zidane Oo Wax Laga Weydiiyay Cida Fiican Lionel Messi & Cristiano Ronaldo, Muxuu Ku Jawaabay?

0
Friday February 12, 2016 - 12:19:09 in by Burco Office
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Zidane Oo Wax Laga Weydiiyay Cida Fiican Lionel Messi & Cristiano Ronaldo, Muxuu Ku Jawaabay?

    Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ka dhawaajiyay in Cristiano Ronaldo uu xiligan yahay laacibka aduunka ugu wanaagsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ka dhawaajiyay in Cristiano Ronaldo uu xiligan yahay laacibka aduunka ugu wanaagsan.

Lionel Messi ayaa bishii hore loo doortay xidiga aduunka ugu wanaagsan balse macalin Zidane weeraryahankiisa Ronaldo ayuu aaminsan yahay inuu dhamaan xidigaha kale ka sareeyo.

 

Zidane wuxuu yiri "Cristiano waa laacibka aduunka ugu wanaagsan, dadka wax badan ayay ka sheegi karaan laakiin qalbi ahaan waa shaqsi aad u wanaagsan”

"Messi waa xidiga uu Ronaldo xifaaltanka kala dhaxeeyo, sidoo kalena kubada cagta waa arin u wanaagsan in xidigaha tayada wanaagsan ay tartamaan”

"Waayo dadka waxay jecel yihiin inay arkaan xidigaha aduunka ugu wanaagsan inay marwalbo tartamaan marka ay garoonka ku jiraan”

Macalin Zinedine Zidane ayaa ka dhawaajiyay inuusan waligiis ku riyoonin tababare buuxo inuu noqdo wuxuuna yiri "Marnaba kuma fikirin inaan tababare buuxo noqon doono”

"Waayo marka aad cayaaraha ka fariisitid kaliya waxaa ku fikire inaad qoyskaaga waqti la qaadatid laakiin sharaf weyn ayay ii tahay inaan Real Madrid macalin u noqdo”