War Deg Deg Ah: Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro Oo Mar Dhawayd La Sheegay Inuu Is Casili Doono Maalmaha Fuuda Inagu Soo Haya
Hargeysa,(AFK)-Gudoomiyaha Aqalka Baaralamanka JSL Mudane Cabdiraxmaan Ciro Oo La Shaaciyay Inuu Xilka Gudoomiyenimo Iska Casilaayo. Gudoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga wadani mudne cabdiraxmaan cabdilaahi ciro oo la sheegay inuu xilka gudoomiyenimo iska casili doono dhawaan waxaana sidaa laga soo xigtay ilo ku dhawodhow gudoomiyaha oo u xaqiijiyay afkashacaka.com.
warkan ayaa waxaa uu intaa ku darayaa in cabdiraxmaan ciro diiday inuu labada gudoomiye ku xigeen ku soo celiyo awoodoodi taasina ay sababatay is mariwaa dhex maro isaga iyo gudiga dhexdhexaadinta ee golaha guurtida somaliland oo baryahanba ku hawlanaa xal u helida buuqa iyo qalalaasaha ka dhex taagan golaha wakiilada Somaliland.
Gudoomiye cabdiraxmaan ciro ayaa diiday inuu ka dago kursiga uu xaga sare saartay waxaanu sheegay inuu door bidaayo is casilaada madaama la rabo in lagu soo celiyo labadii gudoomiye ku xigeen kuuraastoodii xaga sare.
Si kastaba ha noqoto ilaa hada war kama soo bixin labadii darif ee golaha wakiilada ee garnaqsigu u socday iyo golaha guurtida toona oo ku hawlanaa in xal waara u helo baarlamaanka somaliland oo hada u eeg mid gabay hawshii dadwaynuhu u doorteen maalin walbana isku dhex kabeeya shaashadaha tv yada iyo warbaahinta nooceeda kala gedisanba.
Waxii wara ee ka soo baxa warkan ay heshay shabakada wararka ee caalamiga ah Afashacabka.com kala soco wararkayga danbe hadii eebo yidhaahdo.
Afkashacabka.com
Hargeysa/Office
War Deg Deg Ah: Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro Oo Mar Dhawayd La Sheegay Inuu Is Casili Doono Maalmaha Fuuda Inagu Soo Haya
Hargeysa,(AFK)-Gudoomiyaha Aqalka Baaralamanka JSL Mudane Cabdiraxmaan Ciro Oo La Shaaciyay Inuu Xilka Gudoomiyenimo Iska Casilaayo.