Culimada Waaweyn ee Somaliland oo Madaxweyne Siilaanyo uga Mahadnaqay Kuna Bogaadiyey Guddi Culimo oo Madaxweynuhu sheegay inu ku dhawaqayo

0
Friday May 09, 2014 - 15:35:15 in by Super Admin
  • Visits: 930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culimada Waaweyn ee Somaliland oo Madaxweyne Siilaanyo uga Mahadnaqay Kuna Bogaadiyey Guddi Culimo oo Madaxweynuhu sheegay inu ku dhawaqayo

    "Waxaanu si weyn u soo dhaweynaynaa guddida culimada ee distooriga ah ee uu madaxweynuhu khudbadiisa ku sheegay in uu dhawaan ku dhawaaqi doono" Sh. C/raxman Sh.faarax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanu si weyn u soo dhaweynaynaa guddida culimada ee distooriga ah ee uu madaxweynuhu khudbadiisa ku sheegay in uu dhawaan ku dhawaaqi doono" Sh. C/raxman Sh.faarax

Qaar ka mid ah culimada waaweyn ee dalka oo goob-joog ka ahaa khudbaddii Madaweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu doraad ka hor jeediyay labada gole baarlamaan ayaa ugu mahad-naqay khudbada uu jeediyay, gaar ahaan guddi culimo ah oo dastuuri ah oo uu madaxweynuhu sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono.



Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Faarax oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somliland ayaa waxa uu sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan guddida culimada ah, "Waxaanu si weyn u soo dhaweynaynaa guddida culimada ee distooriga ah ee uu madaxweynuhu khudbadiisa ku sheegay in uu dhawaan ku dhawaaqi doono, waana arrin aad u muhiim ah oo loo baahnaa, Madaxwynahana aad baanu uga mahad-celinaynaa tallaabadaa fiican ee uu qaadayo.” Ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Faarax


Sheekh Ibraahin jaamac oo ka hadal kooban isna halkaa ka jeediyay ayaa yidhi, "Marka koowaad waxaynu u mahad-celinaynaa Illaahay, marka xigtana waxaanu Madaxweynaha uga mahad-naqaynaa dareenkaas illaahay garan siiyay, waxaynu Alle ka baryeynaa in ay noqdaan culimo xul ah oo ummadda caqiidadeeda, fikirkeeda shucuurteeda diiniga ah ka turjunta oo hagta.”ayu yidhi



Sheekh Ibraahin Jaamac isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray "Intii fikirka laga soo ururin lahaa banaanka waa lagama maarmaan in la helo guddi culimo oo urursan, isla markaana in guddidaas la sameeyo waa arrin aad u muhiin ah. dastuurkeenu waxa uu ku dhisan yahay shareecada islaamka, markaa guddi culimo oo dastuuri ah waa wax aad loogu baahi qabay.” ayu yidhi shekhu


Sheekh Xasan Cabdisalaan ayaa isna waxa uu yidhi, "Waxaanu aad iyo aad ugu mahad-naqaynaa madaxweynaha khudbadan uu labada gole ka jeediyay, taasoo ahayd mid meelo badan taabanaysay, waxaanu madaxweynaha si gaar ah uga mahad-naqaynaa haddaanu culimada nahay guddidaa culimada ah ee uu madaxweynuhu sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono.” Sheekh Xasan Cabdisalaan, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, "Waxaanu culimadaa ka rajaynaynaa in ay noqdaan qaar dalka, diinta iyo ummaddaba kor u qaada.”ayu hadalkiisa ku soo xidhay Sheekhu.





Contact@afkashacabka.com