Daawo: Wasiirka Madaxtooyada JSL iyo Mareeyaha Hay'adda Waddooyinka oo si rasmiya u Bilaabay Dhismihii Wadda Ceerigaabo

0
Friday May 09, 2014 - 15:52:00 in by Super Admin
  • Visits: 2228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Wasiirka Madaxtooyada JSL iyo Mareeyaha Hay'adda Waddooyinka oo si rasmiya u Bilaabay Dhismihii Wadda Ceerigaabo

    Wefti Ballaadhan oo uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa saaka Si rasmiya uga bilaabay Tuulada Ina Afmadoobe Waddada isku xidhaysa Gobolada Togdheer iyo Sanaag, taaso dhowaan laga soo bilaabay Dhinaca Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti Ballaadhan oo uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa saaka Si rasmiya uga bilaabay Tuulada Ina Afmadoobe Waddada isku xidhaysa Gobolada Togdheer iyo Sanaag, taaso dhowaan laga soo bilaabay Dhinaca Magaalada Ceerigaabo.


Weftiga Wasiirka Madaxtooyada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Cali sicid Raygal, Wasiirkuxigenka Ganacsiga Bashir Cabdi Xariir, Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Xasan Cali Cismaan, Xildhiban Axmed Raygal oo ka mid ah Golaha Wakiilada, Badhasabada Gobolada Sanaag iyo Togdheer, Xubno ka mid ah Qurbajooga Togdheer iyo Sanaag, iyo Engineerada Dhisaya Wadda Ceerigaabo.

Wasiirka Madaxtooyada JSL oo Hadal kooban ka jediyey Bilowgii Waddada Ceerigaabo ayaa tilmaamay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka go’antahay sidii Qorshuhu ahaa in muddada kooban ee u hadhay 100km ay dhammaystiri doonaan, kharashkeedii iyo agabkeediina ay hayaan mantana ay sidaas ku bilaabantay, wuxu wasiirku baaq u diray guud ahaan ba Bulshaweynta reer Somaliland oo uu tilmamay inaanay la’aantood waxba qabsoomayn, isagoo ugu baaqay inay muruqooda iyo maalkooda ba isugu daraan Hirgelinta wadda Ceerigaabo, oo noqonaysa bu yidhi waddadii ugu dheerayd uguna Baaxadda weynayd ee Dawlad yar oo afrikan oo an aqoonsi caalamka ka haysani dhisato, sido kale wuxu wasiirku sheegay in Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka go’antahay fulinta Ballanqaadyadii Wakhtigii Ololaha uu dadka u jeedin jirey,isla markaasna ku hammiyo inu Dadka iyo Dalka horumariyo, wuxu xusay in mucaaradkii u arkayey wax aan suuro gal ahayn dhismaha waddani ay maantaba arkayaan sida hawshu u socoto iyo inay Bilaabantay Waddadii, isagoo tusaalena u soo qaatay halkudhig uu ka tegey hogaamiyihii South afrika Nelson mandella oo uu sheegay in wax dadku ay u arkaan inaanay suuro gal ahayn Hogaamiyaha Wanaagsani Suuro gelin karo.

Xildhibaan Raygal oo ka mid ah Golaha Wakiilada JSL, Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka Xasan Cali Cisman, Badhasabada Gobolada Togdheer iyo Sanaag Maxmed Muse Diriye iyo Ramaax, Marwo Sacda iyo Oday Axmed oo ka mid ah Qurbajoga reer Somaliland ee UK ayaa iyaguna Baaq u diray Qurbajooga reer Somaliland oo ay ka codsadeen inay Guntiga dhiisha isaga xidhaan oo ay guntadaan waddadaas, haddii hore ay hadal u ahayd wadda la dhisayaana, manta ay si toosa u bilaabantay waddadii, waxay Masuliyiintani iyagoo muujinaya Dareen shucuur badan iyo farxad badan xambaarsan ku celceliyeen in laga qaybqaato oo loo guntado inay dhammaystiranto waddadan oo u baahan bay yidhaahdeen Samir iyo Dedaal badan.

Intaas Kadib Weftiga Wasiirku waxay soo kormeereen Goobaha kala Duwan ee hawsha Bilowga Waddadu ka socdo, waxayna dadweynaha iyo hawlwadeenada ka shaqaynaysa Dhismaha Waddada ku dhiirigeliyeen inay Dedaalkooda sii laban laban laaban.



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRO BADAN IYO BILOWGII WADDADA CEERIGABO