Dooxa Huluuq Ee Deegaanka Arabsiyo Oo Qaadey Laba Baabuur Oo Ah Gaadiidka Waaweyn ee Xamuulka Qaadka

0
Saturday May 10, 2014 - 07:22:26 in by salman abdi
  • Visits: 1225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dooxa Huluuq Ee Deegaanka Arabsiyo Oo Qaadey Laba Baabuur Oo Ah Gaadiidka Waaweyn ee Xamuulka Qaadka

    Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi Faarax oo uu waramayay warbaahinta qarkood isagoo jooga Magaalada Arabsiyo ayaa xaqiijiyay in labadaa baabuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi Faarax oo uu waramayay warbaahinta qarkood isagoo jooga Magaalada Arabsiyo ayaa xaqiijiyay in labadaa baabuur
Laba kamid ah Gaadiidka Waaweyn ee qaada Qaadka ayaa, caweysinkii caawa daad ku qaadey Dooxa Huluuq oo dhinaca Bari ka Xiga Magaalada Arabsiyo halkaas oo khasaaraha ka dhashey aanu dhaafsiisneyn Gaadiidkaasi laakiin, dirawaliintii iyo dadkii saarnaa ay ka badbaadeen.

Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi Faarax oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews ugu waramey khadka isgaadhsiinta isagoo jooga Magaalada Arabsiyo ayaa xaqiijiyay in labadaa baabuur ee waaweyn uu qaadey daadku islamarkaana, ay ka badbaadeen dirawaliintii iyo dadkii kale ee saarnaa, waxaanu Gudoomiyihu dhaliisha dusha ka saarey dirawaliinta Baabuurta oo uu ku sheegay qeyra masuul, isagoo xusey in baabuurtani ahaayeen kuwa qaadka qaada.
"Gaadiidkan uu qaadey daadku caawa waa Gaadiidka waaweyn ee qaadka kasoo qaada dhinaca Itoobiya, runtiina wuxu aasey daadku baabuurtaasi oo


uu indoor ah qaadey haseyeeshee, Dirawaliintii iyo dadkii saarnaaba wey ka badbaadeen, mid waxaa iska leh Shirkada Qaadka FF, todobaad gudihii waa baabuurkii afraad, nimacada roobka illaahey ayaa ina siiseyay, laakiin waa qeyra masuulnimada ay sameynayaan nimanka dirawaliinta ahi, waana khalad in ay daadka oo soconaya baabuurta kusoo dhex tuuraan, waa badheedh in laga qabto oo lagu ganaaxo ayaa fiican"Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi Faarax.
Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in Xukuumadu fiiro gaar ah u yeelato arintaasi, si looga hortago haligaada ay masuuliyadeeda leeyihiin dirawaliinta Gaadiidka.
Waa markii labaad ee nooceeda ah oo tan iyo intii ay dhawaan roobabka xiligani curteen ay dooxyada Arabsiyo qaadaan Gaadiid noocan oo kale ah, inkastoo aanay dadkii saarnaa waxba ku noqonin oo ay ka badbaadeen.

Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contact@afkashacabka.com