Wasiirka Madaxtooyada JSL Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta Dhagax Dhigay Qaybo Cusub oo lagu Kordhinayo Taliska Qaybta Booliska

0
Saturday May 10, 2014 - 20:27:36 in by Super Admin
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada JSL Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta Dhagax Dhigay Qaybo Cusub oo lagu Kordhinayo Taliska Qaybta Booliska

    Kormeerna ku tegey Dhismaha Waddada Oodweyne Iyo Burco, isagoo shegay in si toosa loo bilabayo bisha july

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kormeerna ku tegey Dhismaha Waddada Oodweyne Iyo Burco, isagoo shegay in si toosa loo bilabayo bisha july

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo weftigii uu hoggaaminaayey ayaa saaka subaxnimadii hore waxay kormeer ugu ambabaxeen Gobolka Daad-Madheedh, iyaga oo ujeeddadoodu ay ahayd inay ka war doonaan soona kormeeraan dhismaha wadada Oodweyne ilaa Burco oo beryahanba gacanta lagu hayey, weftigan oo soo kormeeray wadadaasi iyo meelaha kala sharka laga qodaayey waxay war bixin ka bixiyeen wakhtiga la dhamaystiri doono wadadan gaar ahaan qaybta Caro-kaawada.

Weftiga wasiirku hoggaaminayo oo maalintoodii labaad ku sugan magaalada Burco ama Gobolka Togdheer ayaa maanta laba goobood oo ka mid ah caasimada Gobolka Togdheer ee burco laba mashruuc oo qiimo weyn u leh qaybaha bulshada iyo Mashruuc dhisme guri ah oo loo dhisi doono Ciidamada BOOLISKA ee gobolka, kuwaas oo ka kooban 16 Guri , ka dibna waxa weftigu ay ka qaybgaleen xaflada Furitaanka Maktabada akhriska ee Gobolka togdheer oo ka hirgeliyeen gobolka dhaliyarada Halka-raan oo ah urur ku dedaala horumarka dhalinyarada iyo dhanka akhriska iyo aqoon kororsiga bulshada Gobolka togdheer.

Ka dib waxay weftigani u soo ambabaxeen dhinaca caasimada Somaliland ee Hargeysa







Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com