Dhulkii Taallada Sh. Bashiir oo la kala iibsaday iyo Ehelada Halgamaa Sh.Bashiir oo Baaq u diray Madaxweyne Siilaanyo

0
Saturday May 10, 2014 - 20:30:54 in by Super Admin
  • Visits: 1543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhulkii Taallada Sh. Bashiir oo la kala iibsaday iyo Ehelada Halgamaa Sh.Bashiir oo Baaq u diray Madaxweyne Siilaanyo

    Arrinkaasna ku canaantay ugana Digay Maayarka Degmada Burco iyo Golihiisa Degaanka oo la shegay inay Dhulka iibiyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arrinkaasna ku canaantay ugana Digay Maayarka Degmada Burco iyo Golihiisa Degaanka oo la shegay inay Dhulka iibiyeen Xubno ka mid ah Ehelada Halgamaa Sheekh Bashiir oo dagaal qadhaadh la soo galay Gumaysigii Ingiriiska ayaa sheegay in la Iibiyey Garoonka Kubadda Kolayga ee Sheekh Bashiir. Waxay Maamulka Dawladda hoose ee Burco ku cambaareeyeen Garoonka Kubadda Kolayga ee Sheekh Bashiir oo ku yaala Magaalada Burco, kaasi oo loogu magac daray Marxuum Sheekh Bashiir oo Dawladda hoose ee Burco ka Iibisay Dad gaara islamarkaana dano gaar ah loo Iibiyey.

Xubno ka mid ah Dhashii Sheekh Bashiir oo Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa Sheegay inaanay haboonayn in la Aaso Taariikhda dadkii Xuquuqda ku lahaa dalkan islamarkaana u soo halgamay. Waxay sheegeen in Garoonkaasi uu muhiimad u leeyahay dhalin yarada ku ciyaaraysay oo la ciir-ciiraysa Garoomo la’aan. Sidoo kale waxay sheegeen inaanay suuro gal ahayn in Dawladda Siilaanyo oo hore bulshada ugu balanqaaday garoomo ay iibiso intii hore loo haystay.

"Aniga oo ah Yuusuf Cabdi Casiis Sheekh Bashiir waxaan halkan aan ka cambaaraynaynaa dhacdo ama arin ka dhacday degmada Burco ee Gobolka Togdheer,taas oo ah garoonkii Sheekh Bashiir Ee Basketka(Kubada Gacanta)lagu ciyaari jiray oo la Iibiyey, kaas oo la aas-aasay 1971-dii.

Garoonkaasi waxaa lagu dhistay Iskaa Wax u qabso dawladii Maxamed Siyaad Barre, gaar ahaan Bile Rafle Guuleed,arinkaas oo dhalinyaradii iyo shacbigii reer Somaliland ku noqotay argagax ama waxaan la filayn. in maanta oo la maraayo 2014-kii ay u hunguroodaan ama ay soo bandhigaan Golaha deegaanka ee Burco in ay meeshaas danta guud ah ee umadaa barigaa jirtay ay iskaa wax u qabo ku dhistay ee Baasket Bool-ka ah(Kubada Gacanta ah) Iibiyaan waa nasiib daro. Dhalinyaradii iyo dadkii xukumada Axmed Siilaanyo ugu balan qaaday in uu garoomo u dhiso, in la xoojiyo ciyaaraha, kuwii markaa iskaa wax u qabso ahaa ee loo dhisay dhalinyarada maanta loo huguroodo waa waxaan la filayn.waxaan cambaaraynaa Golaha deegaanka ee Magaalada Burco oo uu ugu horeeyo maayarka Burco oo arinkaas gacmaha lagalay kana iibiyey dad ganacsata”Golahii lagu ciyaarayey kubada gacanta ee loogu magac daray sheikh bashiir oo aynu ognahay tariikh ahaan wax uu huwan yahay ee uu dalkan u soo qabtay oo ahaa ninkii kaliya ee naftiisa iyo maalkiisaba u soo huray dalka.waxaana wax laga xumaado ah in dadkii u soo hal gamay dalka in meelihii loogu magac daray la baabiiyo waxaanan madaxweynaha dalka aanu ugu baaqaynaa in uu u arintaasi uu talaabo sharciga waafaqsan uu ka qaado”

Bashiir Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ay aad uga xun yihiin in Mujaahid Sheikh Bashiir oo ahaa halgamaa wayn oo reer somaliland ah la baabiyo taariikhdiisii iyo magaciisii loogu magac daray mid kamida garoonada Magaalda Burco

"Aniga oo ah Bashiir Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir waxaan halkan aan ku cambaaraynaya oo aan cod dheer ku cambaaraynaya arinta foosha xun leh ee ka dhacday magaalo madaxda gobalka togdheer ee Burco arintaasi oo ah golihii baaskitka lagu ciyaarayey ee Magaalada Burco oo run ahaantii dawlada hoose ee magaalada Burco ay si qayrul sharci ah ay u faasaxday iyada oo aynu ognahay in aan taasi oo ina tusaysa in wixii danta guud ahaa si qayrul Sharci ah loo xaraashayo oo loo iibinaayo,ta labaad waxaanu aad u cambaaraynaa in mujaahidkaa wayn ee Sheekh bashiir oo ahaa hal gamaa weyn oo ku suntanaa taariikhda somaliland iyo umada Soomaalidaba, halkaas ay taariikhdu ku tirtirmayso magaciina uu ku Aasmaayo, waxaanan dadweynaha iyo umada reer somaliland aan ka cod sanaynaa wixii damiir fayow ee qaranimada iyo xornimo u Dirirka aad iyo aad u jecel in ay ka dhiidhiyaan” ayuu yidhi Bashiir

Ugu danbayntii Cabdicasiis Axmed Xaaji Aadan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisii ka mida ahaa "Aniga oo ah cabdi casiis Axmed Xaaji Aadan waxaan halkan aan ka cambaaraynaynaa maayarka dagmada Burco oo ku xadgudbay Hantidii umada ee Gobalka Togdheer,gaar ahaan garoonkii baaskat boolka ,waxaanan arintaa aan leenahay arintaasi waa arin aad u fool xun maayarkuna ha ka noqdo ayaan leenahay arintaa iyada ah maxaa yeelay waa qaran dumis iyo taariikhdii umada oo la baabiinaayo,waxaanan ogayn in maxamed muraad uu ahaa culumadii gobalka togdheer ee dadka ka wacdiyi jiray wax yaalaha xun xun,hana ka noqdo arintaa iyada ah”




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com