GEBAGABADA DUNIDA! W/Q:- MUNA AXMED CUMAR

0
Saturday May 10, 2014 - 20:52:10 in by Super Admin
  • Visits: 1703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GEBAGABADA DUNIDA! W/Q:- MUNA AXMED CUMAR

    Culimadii hore iyo kuwa haatan joogaaba waxa ay in badan isku hawleen isla markaasna wax badan ka qoreen calaamadaha ama astaamaha lagu garto soo dhawaadka maalinta dunida la gabagabaynayo ama qiyaamaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Culimadii hore iyo kuwa haatan joogaaba waxa ay in badan isku hawleen isla markaasna wax badan ka qoreen calaamadaha ama astaamaha lagu garto soo dhawaadka maalinta dunida la gabagabaynayo ama qiyaamaha.

Walina may joogsan ee way socdaan ka hadalka laga hadlaayo astaamaha lagu garto soo dhawaadka qiyaamaha. Waxa aan shaki ku jirin in marka arrimaha noocan oo kale ah laga hadlayo aan loo doonanayn meel aan ahayn Kitaabka Qur’aanka kariimka ah iyo Axaaddiistii Nebiga NNKH.

Haddaba calaamadaha qiyaamaha waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah:
Calaamadaha yaryar: Oo u sii kala baxaya laba nooc:
Nooca koowaad: calaamado fog
Calaamadahani waa kuwo soo baxay oo la arkay isla markaasna waa calaamado yar yar oo muddo laga joogo dhicistoodii. Waxaana tusaale aynu usoo qaadan karnaa: Soo bixiddii Nebiga CSW, kala jabkii dayaxa iyo ololkii waynaa ee Madiina ka soo baxay.
Nooca labaad: calaamado dhexe:
Calaamadahani waa kuwo soo baxay siina kordhaya maalinba maalinta ka danbaysa waxaana ka mid ah: in la arko dadkii xoolo dhaqatada ahaa oo ku tartamaya dhismaha guryaha iyo in ay soo baxaan soddon beenaale oo sheeganaya Nebinimmo.
Calaamadaha waawayn: calaamadahani waa kuwa uu qiyaamuhu ku xigi doono. Waa toban lamana arag wali. Xudayfa oo ah saxaabi ka mida saxaabadii rasuulka ayaa yidhi "Nebiga NNKH ayaa nagu soo baxay annaga oo wax akhriyayna, markaas ayuu na waydiiyay ‘Maxaad akhriyaysaan’ waxaanu ku jawaabnay ‘Qiyaamaha’ waxa uu yidhi ‘Qiyaamuhu dhici maayo illaa aad aragtaan toban aayadood hortii” wuxuuna noo sheegay:
Qiiq
Dijaal
Daabbad
Cadceedda oo galbeed ka soo bixi doonta
Soo deggidda Nebi Ciise CS
Ya’juuj iyo Ma’juuj
Iyo saddexda Dhul gariir (Dhul go’)
Dhul gariirka cadceed ka soo baxa
Dhul gariirka cadceed ka dhaca
Dhul gariirka Jasiiradda carabta
Iyo dab ka soo bixi doona Yemen oo dadka kala firdhin doona
Axaadiis kalena waxa ay ku daraan:
Soo bixidda Mahdiga
Dumitaanta kacbada
Qur’aanka oo dhulka laga kor qaadi doono
Haddaba aynu soo qaadanno Calaamadaha yaryar oo sidaynu hore u soo sheegnay isugu jira kuwa la arkay oo dhacay iyo kuwo aan wali dhicin.
Qaybta hore: Calaamadaha yaryar ee Qiyaamaha islamarkaasna dhacay:
Soo bixiddii Nebiga CSW
Dhimashadii Nebiga CSW
Dillaacii Dayaxa
Furashadii ‘Baytal Maqdas’
Badashada iyo soo bixidda Fitnada
Soo bixidda ‘Khawaarijta’ (dad dadka Muslimka ah gaalaysiiya)
Soo bixidda dab ka imanaya Xijaas
Dagaalka Turkiga
Soo bixidda rag si dulmi ah dadka ulo ugu garaacaya
Dagaalka oo badanaya
Amaanada oo la dayaco
Raacidda dariiqooyinkii dadkii hore
Soo bixidda dumar dhar gashan haddana qaawan
Badashada dhismaha
Salaanta gaarka ah (dadka oo salaama cidda ay garanayaan oo kaliya)
Ganacsiga oo awood yeelanaya
Dumarka oo raggooda la wadaaga ganacsiga
Markhaati beenaalaha
Aqoon darrada oo badata
Ehelka oo la jaro
Jaarka oo la xummeeyo
Danbiyada oo bata
Kii aaminka ahaa oo aan la aaminayn iyo tuuggii oo la aaminayo
Cilmiga oo aan Ilaahay dartii loo baranayn
Ragga oo xaasaskooda u dhega nuglaada hooyooyinkoodna caasiyaya
Saaxiibbada oo loo dhego furnaado, aabbayaasha oo la diido
Masaajidka oo codka kor loo qaado (dadka oo masaajidada gudahooda ku sheekaysta kuna murma)
Xidhashada xariirta oo la xalaashado ‘ragga’
Cabista khamriga oo la xalaashado
Tumista aaladaha miyuusiga oo la xalaashado
Dadka oo geeri loo rajeeyo
Qurxinta guryaha oo lagu talax tago
Qoraalka iyo faafiddiisa oo bata
Geerida kadiska ah oo badata ‘Mawtul qafle’
Waqtiga oo isu dhawaada
Beenta oo badata
Dhulgariirka oo bata
Dumarka oo bata
Ragga oo yaraada
Buurnida oo badata
Qaybta labaad: calaamadaha yar yar se aan wali dhicin waxaa ka mid ah:
Soo bixidda Badalaadda (Iyadoo laga badalayo sidii hore ee uu ahaa, loona badalayo si ka xun sidii hore sida dadka oo loo badalo xayawaan)
Roob da’aya haddana aan dhulka waxba ka soo saari doonin
Dagaal dhex mari doona Muslimiinta iyo Yahuudda
Buuraha oo dhaqaaqi doona
Nin reer binu Qaxdaan ah oo dadku adeeci doonaan
Qur’aanka oo laga kor qaadi doono kutubta iyo laabaha
Qaybo ka mid ah Carabta oo dib ugu laaban doona caabudiddii Sanamyada
Kacbada oo uu burburin doono nin xabashi ahi
Dhismayaasha oo ku badan doona Maka.
Soo bixidda Mahdiga
Xigasho: Sheekh Maxamed Binu Cabdiraxmaan Al-Careeyfi, Buugga ‘Nihaayat Al-Caalam’




Muna Axmed Cumar
Muna_gafaneh@hotmail.com
Hayaannews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email:janaale94@gmail.com