
BILAWGA DHISIDA WADADA CEERIGAABO W/Q KHADAR IBRAHIM
Maanta oo ay bilaamatay dhisidii wajigii kowaad ee wadada ceerigaabo waxay farxad weyn u tahay shicib weynaha reer sanaag bilawga wadadan , waa fikirki madaxweyne axmed maxamed maxamuud silaanyo iyo farsamaynta ha’yda wadooyinka Somaliland oo madax u yahay wasirka madaxtooyadda md. xirsi cali xaaji xasan.
Madaxweyne silaanyo waxa ka mid aha balan qadyadisii wadada ceerigaabo maantana hawshi bilawday, waa xukuumadd horumarku u yahay cinwaan, waa xukuumadd dadaal fara badan dalka galisay umaddona ay dooran doonto doorashadda 2015.
Dadka ku waashay dhowr jirna ku cil ciliya hadalada inay dawladdu kampayn ay ka tahay dhisida wadadan amba lacagta wadadaas waa la cunaya!!, iyo cabaadki labada xisbi waddani iyo ucid, runti maanta waxay ku noqotay qolooyinkaas waji gabax , maanta reer sanaag way gartayn oo arkayn dadka dantooda uga shaqeyay iyo kuwa ku mucaarid ah disida wadada, codka sanaag naa wuxuu yahay kulmiye si aqlabiyad leh.
Gudiga wadada ceerigaabo runti way dadaalayn, waxaana u soo jeedinaya bulsha weynta reer sanaag ee qurbajoogta ah iyo Somaliland odhan inay dadaalkooda sii badiyaan .
Saadaashu waa khayr khayr khayr !!
W/Q Khadar Ibrahim A
Khadar338@hotmail.com
BILAWGA DHISIDA WADADA CEERIGAABO W/Q KHADAR IBRAHIM
Maanta oo ay bilaamatay dhisidii wajigii kowaad ee wadada ceerigaabo waxay farxad weyn u tahay shicib weynaha reer sanaag bilawga wadadan