Hordhaca:Kulanka Adag Ee Liverpool Vs Man City Ee Finalka Capital one

0
Saturday February 27, 2016 - 13:56:43 in by Burco Office
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca:Kulanka Adag Ee Liverpool Vs Man City Ee Finalka Capital one

    Liverpool iyo Man City ayaa fooda isku dari doona Wembley kulanka ciyaar dhamaadka koobka Capital one cup waxaana kulankaan laga fiirsan doonaa waxyaabo badan oo xamaasad gaar ah u sii yeeli doona kulankaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool iyo Man City ayaa fooda isku dari doona Wembley kulanka ciyaar dhamaadka koobka Capital one cup waxaana kulankaan laga fiirsan doonaa waxyaabo badan oo xamaasad gaar ah u sii yeeli doona kulankaan.


Man City ayaa ceeb kala kulantay Reds kulankii ay ku ciyaareen Etihad Stadium markaasoo mininkooda loogu soo muruq sheegtay, iska ilow Man City ee qof waliba ayeey layaab ku noqotay in koox qarash gareysay lacago waali ah xagaagii, kaliya sadex xidigna kula soo wareegtay £150 milyan oo pound loona tirinayay iney meel saari doonto koox kasto kadib wixii ay ku dhigeen kooxda horyaalka difaacaneysa ee Chelsea laakin Reds ayaa qorshe ciyaareed cajiib ah la ciyaartay Sky Blues iyadoo wiilasha Klopp ay soo bandhigeen geesino dheeri ah si ay dhibcaha uga qaataan City, wiilasha Pellegrini miyeey aar gudan doonaan ? Hadaba waxaan eegeenaa waxyaabaha u baahan inaan qeyn ku sameyno ka hor kulankaan si aan u sii qiyaasno awooda labada koox iyo meelaha ay ku kala adkaan karaan.

Wada Shaqeynta Coutinho Iyo Firmino.

Labada nin ee ree Brazil ee Coutinho iyo Firmino ayaa kala dhantaalay City kulankii hore sidoo kale waxaa ka dhexeeya isfahan cajiib ah, ku darsoo markaan waxay heli doonaa gooldhaliyahooda Sturridge oo dhawaan dhaawac uga soo kacay, labada nin ayaa leh orod, xirfad iyo aragti dheer waxayna markale awoodi doonaan iney kala dhantaalaan daafaca City hadii Komoany iyo kooxdiisa aysan ka fiirsan il gaar ahna u yeelan xidigahan, Pellegrini ayaa u baahan doona inuu beri keydka dhigo Mangala dardaaran adagna siiyo Otamendi, Kalarov iyo Kompany.

Firmino and Coutinho

Kulankii Orodka

Mar qura ayeey shan ciyaariyahan oo wada ordeysa oo wada Liverpool ah dhinacyada kasoo galayaan markii uu ciyaariyahan kubada qabsado, taasi waa wax aan hore loogu aqoon Reds laakin waxaa keensaday Klopp, isla kulnakii hore ee Man City waxyaabihii ugu yaabka badnaa waxay aheyd in min Moreno ilaa Clyne, min Lallana ilaa Firmino ay markaliya wada eryaneyn kubada taasoo qalqal ku riday xidigaha Man City taas ayaana sabab u aheyd in sidii daad fatahay goolal logu xaaqo, nasiib wanaag afar ayaa loogu ekeeyay oo xidigaha Brazil ee aan kor ku soo xusnay ayaa fursado ka qasaariyay kooxdooda Klopp ayaana ciyaarta kadib yiri "Waxay aheyd inaan dhalino lix ama todobo gool”.

Sterling

Kubada Heysashada iyo Qaladaadka Qasabka Ah.

Liverpool aad ayeey ugu dhiban tahay kubad heysashada, sidoo kale daafacooda ayaa ah biyo deys u baahan dahaar kaasoo ay u muuqato ineysan ka heli karin Jordan Henderso iyo Emre Can, hadii Lucas Lieva la safo wuxuu ka hor imaan doonaa Yaya Toure oo ah nin xoogan laakin aan orod badneyn, nin aragti dheer sidoo kalena tuura darbooyin xoog badan wuxuu u baahan doonaa inuu il gaar ah yeeasho, sidoo kale Sterling iyo Kun Aguero ayaa iyagana ah labo nin oo musiibo ku noqon kara daafac kasta waxayna awoodaan ieny kubada ka soo qaadaan khadka dhexe lana yimaadaan goosha ka soo horjeeda, labada koox ayaa u baahan doona iney iska ilaaliyaan qaladaad ay geestaan waxaana dhici karta in lagu qasbo iney qalad sameeyaan sida kulankii horyaalka loogu qasbay Mangala inuu gool iska dhaliyo midkalena dhiibto, Mamadou Sakho iyo Kolo Toure ayaa labadaba leh khibrad laakin taas ayaana ka fujin doonin iney rafaadaan maadaama ay ka hor imaanayaan Kun Aguero oo kamid ah gooldhaliyeyaasha ugu fiican aduunka.

lucas-leiva-liverpool-manchester-city_3380585

"Sawirka waa Lucas Lieva oo adkeynaya daafaca Reds il gaar ahna ku haya kubada halka ay u soconeyso”

Sterling iyo Orin.

Sida caadada ah waa lagu orin doonaa, waa lagu qeylin doonaa marwalia uu kubada taabto, jamaahiirta Reds ayaa soo qaadan doona boorar ay ku weerarayaan, sidoo kale wuxuu la kulmi doonaa aflagaado, waxaasoo dhan isaga ayaa isku sababay loogana baahan yahay inuu ka baxsado kulankaan iyo kulan kalaba.