Xumanta Wanaag Ku Badal W/Q: Hinda Cabdi Sheekh

0
Thursday March 03, 2016 - 08:11:54 in by Burco Office
  • Visits: 1832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xumanta Wanaag Ku Badal W/Q: Hinda Cabdi Sheekh

    Adunkana aanku nolnahay ma jiro waxaan xuman iyo wanaag lahayn , dadka ma sina sida aanay faruhubau sinayn, iyada oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adunkana aanku nolnahay ma jiro waxaan xuman iyo wanaag lahayn , dadka ma sina sida aanay faruhubau sinayn, iyada oo

 ay sidaaa tahay   haddana waa in an ku dadaalnaa in an xumaanata iyo  wanaaga aynaan is barbar dhigin oo an markasta ku dadaalno in an wanaaga horumarino.


Han uu soo daadago dulucda mawduuceenan oo an manta kaga hadlayo xumaha iyo wanaaga aadamaha .

Wanaaga akhlaaqada ayaa ku jirta ,xishodka , ixtiraamka iimaanka iyo qodobo badan oo aynaan qoral ku so kobi Karin

Shaq si wanaagsan oo aad noqota waxay ku hor seedaysa in ay dadka iyo duunyaduba ka nabad galaan oo aad sharaf iyo cisi kuwada nolaataan, wanaagu waa ka ku bara muhiimada ay leedahay in aad basharka uu Illahay uumay aad nabad galayo kuwada noolaataan .

Waa dareen gooniya oo aydaan adiga iyo qofka xumaha jeceli aydaan ka sinayn marnaba , wanaagu waa ka ku bara in aad xumanta iyo inta jecel ka fogato.

Wanaagu waa shay qaaliya oo qof kasta oo bini aadami jecel yahay ,damiirka wanaagsina waa ka ku fara in aad saaxiib la noqoto dadka wanaaga jecel.

Qofka wanaagsani waa qof ka damiir dabacsan qofka xumaha jecel.

Waa qof qalbigiisu xumaani marnaba galin , shaydaankuna anuu ka faa’idaysan  sida ka  xumaha saaxiib ka  u ah.

Qofka wanaaga jeceli  ama wanaaga u dhashay waa qof mar kasta  qalbigisu daganaansho dareemayo , waa qof ku dadaalaya in u xumaha ka fogaado iyo inta xumaha jecelba, waa qof marka uu asaxaabtiisa la joogo faraxad  iyo rayrayn kula qaata wakhtiga guushoodana ku farxa , jecelna in ay wanaaga badiyaan  jecelna isaasaamixida walaal kiisa ay is qabataan .

Runtii qofka wanaaga u saaxiibka ahii noloshisa ma arko wax dhiba waayo qalbigiisu waa nadiif , shaydaan ayaa jira qalbiga dadka xumaha ku beera ,lakin hadana qofku sii u wanaagisa u sii kordho waa in uu digriga Alle badiyaa.

Xumaha

xumuhu waa kan kaa dhiga qof aan damiir lahayn oo aan naxayn ,xumuhu waa kan kuu tilmaamma in aad dadka lidi ku noqoto oo aad ka soo hor jeedsato .

xumuhu waa ka kaa soo horjeediya wanaaga  iyo u sama falka dadka, waa ka kaa soo hor jeediya guusha walaaladaa , waa kuugu yeedha in aad dadka xaasid ku noqoto, waa ka kuugu yeedha in aad dadka xumaha fartid  oo aad ka fogaysid wanaaga .

hadii qofka qalbigiisa xumuhu ku jiro , xishod , ixtiraam akhlaaqad iyo wanaaga

wey kala tagaan ,shaydaanka ayuu u heer yeysan yahay .

xumaha qalbiga ayaan laga nafisin  damiirkaaga ayaa ku dhibi hadii aad tahay qof xumaha jecel oo aan wanaaga ka talin, xumuhu waa kan ku fara in aanad dadka saamixin  ee qalbigaaga ku beera  cuqdad aan dhamaanayn.

Xumhu ma liibaano  hada iyo hadhowba .

Talo soo jeedin:

Qofku waxa u xumanta kaga bixi kara in uu Illahay u noqdo gartana in qofka bini aadamku uu qaldamo, wayo majiro qof aan qaldamin, intaa waa la qaldamayaa lakiin waa in aan ka soo noqonnaa qaladka iyo xumaha .

Mar kasta oo wanaagaagu bato  waxay micno u tahay inta uu qalbigaagu saafiga yahay , xumaha layskuma jecla ee   wanaaga ayaa laysku jecel yahay.

Hadii aad doonayso in aad noqoto qof wanaaga jecel lasaaxiib dadka wanaaga u saaxiibka ah ,ee dulqaadka leh sii aad uga barto wanaaga iyo  dul qaadka .

Qof wanaagsan oo aad noqota waxay ku saamaxaysaa in aad dadka sharaf ku dhex joogto bulshadana   wanaag ku soo kordhiso.

 If iyo Aakhriba waad liibani  doontaa hadii aad qalbigaaga

Diinta ku dhaydo, waayo shaydaanku qalbigaaga ayuu nabaro ku dhigaa.

Noqo qof kaga tilmaaman dadka kale wanaag.

Illaahay xumaha ka magan gal.




Wa billaahi tawfiiq.

W/Q: Hinda Cabdi Sheekh

Wixii talo iyo tusaale ah  halkan ayaad ku soo hagaajin kartaan.

Hinda20999@gmail.com