Guus Hiddink Oo Xaqiijiyay In Kabtan John Terry Uu Seegi Doono Kulanka Paris Saint Germain

0
Tuesday March 08, 2016 - 08:57:19 in by Burco Office
  • Visits: 1283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guus Hiddink Oo Xaqiijiyay In Kabtan John Terry Uu Seegi Doono Kulanka Paris Saint Germain

    Tababaraha kumeel gaarka ah ee Chelsea Guus Hiddink ayaa xaqiijiyay in kabtan John Terry uu seegi doono lugta labaad wareega 16-ka koobka Horyaalada Yurub Ee Champions League-ga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kumeel gaarka ah ee Chelsea Guus Hiddink ayaa xaqiijiyay in kabtan John Terry uu seegi doono lugta labaad wareega 16-ka koobka Horyaalada Yurub Ee Champions League-ga.


Dhaawac dhanka muruqa ah ayaa kabtankaan rug cadaaga ah u diiday inu ciyaaro sadexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay kooxdiisa ciyaarto kulamada horyaalka.

Hiddink ayaan wax rajo ah ka qabin in 35-jirkaan uu taam buuxa u yahay kulanka ay kooxda Paris ka dhisan kusoo dhaweyn doonaan galbeedka London.

"Uma maleynayo in John uu ciyaari karo arbacada, ma uusan sameyn hormar ku filan oo loogu dari karo liiskaā€¯ Ayuu yiri Hiddink.

Ugu dambeyntiina Hiddink ayaa shaaca ka qaaday in Jamaahiirta Blues ay ka qeyb qaadan karaan iney kooxda usoo gudubto wareega 8-da koobka Champions League.