Madaxweyne Siilanyo iyo kuxigenkiisa Saylici iyo Dhambaal Hambalyo ah ka Guddoomay Aqoon-yahanka iyo wax garadka gobolka Awdal ee degan waqooyiga maraykanka

0
Tuesday May 13, 2014 - 12:56:55 in by Super Admin
  • Visits: 1209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilanyo iyo kuxigenkiisa Saylici iyo Dhambaal Hambalyo ah ka Guddoomay Aqoon-yahanka iyo wax garadka gobolka Awdal ee degan waqooyiga maraykanka

    Xubno ka socday Aqonyahankasi oo madaxweynuhu saka ku qabilay xafiiskiisa aya lagaga warbixiyey warsaxaafadeed ka so baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada JSL waxanu u dhigna sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno ka socday Aqonyahankasi oo madaxweynuhu saka ku qabilay xafiiskiisa aya lagaga warbixiyey warsaxaafadeed ka so baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada JSL waxanu u dhigna sidan:

Date: -13/ 05/2014

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, iyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ayaa Xafiiska Madaxweynaha kula kulmay Aqoon-yahanka iyo wax garadka gobolka Awdal ee degan waqooyiga maraykanka ayaa qoraal ay soo gaaadhsiiyeen madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka, waxay ugu hambalyeeyeen horumarka ay ka saameeyeen dhinac walba kuna talaabsadeen muddadii ay xilka qaranka hogaaminayeen.

 

Waxay sheegeen waxqabadkaasi inuu yahay mid dhab ahaan ugu hiilinaya hiigsiga qaran iyo ka midho dhalinta u jeedooyinka sii adkaynaya gaadhida yool dhamaystiran oo miisaanka qarankeenu bulshada caalamka ku leeyahay sii xoojinaya .

 

run ahaantii hadaanu nahay aqoon yahanka iyo wax garadka gobolka awdal ee degan waqooyiga maraykanka, waxaanu si dhow ula soconaa talaabooyinka is daba jooga ah ee dhinaca horumarka u socda ee xukumad ahaan aad qaadeen, waxaanu aad ugu farax sanahay in horukacaasi uu Raad ku yeeshay siyaasada arrimaha dibada iyo tan gudahaba, waxaana xusid mudan isbadaladaasi in ay yihiin qaar taabtay bulshada reer Somaliland oo dhan, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin wadooyinka, waxbarashada, caafimaadka amniga gudaha arrimaha dibada, miisaaniyada iyo waliba qaar kaloo badani.

 

Waxaanay ku bogaadiyeen socdaalkii dheeraa ee xeebaha uu ku soo maray madaxawaynuhu kuna dhiiri gelinayay wax-qabadka adeegyada bulshada waa kuwo markhaati cad ka bixinaya sida aad ugu-dateen waajibaadkii iyo amaanadii ummada aad u hayseen.

waxaana naga go’an in kaalintayada annagoo isku duuban aanu qaadano, idinkuna barbar istaagno dhisamaha qaranka iyo horumarintiisa, waanu idinku hambalyaynaynaa horumarka marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya kaasi oo muuqaalka uu bixinayaa ay noqonayso mid uu taageero qarankeenu kaga helayo bulshada caalamka, ayay ku soo gaba-gabeeyeen.


Waxaana qoraalkan hambalyada ee aqoonyahanka reer Awdal ay u soo direen madaxwaynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland soo gaadhsiiyay oo wakiil ka ahaa Xaaji Ibraahim Muxumed Aaye iyo Xasan halas.





ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com