AFRIKA: Qaaraddii Rejada W/Q:Muna Axmed Cumar
Sida ay baadheen, darseenna aqoonyahannada ku midoobey degelka africaran king, waxa .................
http://www0.sun.ac.za/ebsk/index.php…
AFRIKA: Qaaraddii Rejada
‘Africa rising, A hopeful Continent’
Dukaamada waaweyn ee ku yaalla dabaqyada dhaadheer waxa buux dhaafiyay alaab nooc walba ah. Waddooyinka dukaamadan waaweyn hor mara waxa buux dhaafiyay baabuur iyo dadweyne ka dukaamaysanaya suuqan weyn. Halkani maaha xaaladda suuqyada waddamada qaniga ah, waa suuqa Onitsha oo ku yaal koonfurta Nayjeeriya! Ku dhawaad saddex milyan oo qof ayaa maalinwalba u soo dukaamaysi taga suuqan una soo doonta alaabada dhismaha, kombuyuutarada iyo cuntooyinka kala duwan. Suuqani wuxu xuddun u yahay ganacsatayaasha gacanka Gini oo ah gobol caan ku ah musuqmaasuqa, budhcadda, faqriga iyo xanuunnada sidoo kalena ah hoyga hal-abuurka ganacsiga iyo hantiilayaasha. Sida ay qirayaan saadaaliyaasha timaaddada Afrikada berri sida ay noqoneyso.
Sida ay baadheen, darseenna aqoonyahannada ku midoobey degelka africaran king, waxa ay isla qireen in qarnigii ugu danbeeyay, lix ka mid ah tobankii waddan ee ugu korista badnaa xaga dhaqaalaha ay ahaayeen waddamo ku yaalla qaaradda Afrika. Siddeed sanno oo ka mid ah tobankii sanno ee u danbeeyay Afrika waxa ay ka korniin badnayd qaaradda Aasiya oo waddanka Jabaan uu ku jiro. Qarnigii u danbeeyay dhaqaalaha waddamada ka hooseeya Saxaaraha ee Afrika waxa uu gaadhay celcelis ahaan 5.7% isaga oo labadii qarni ee ka horreeyay ahaa 2.4%.
Sikastaba ha ahaatee, sida ay qabaan xeel dheerayaasha ku bahoobey degelka Economist waxa ay ku doodayaan in Afrika dhaqaalaheedu aanu hoos u dhacayn, balse uu kor u kacayo marba marka ka danbaysa maadaama lix waddan oo ka mid ah tobanka waddan ee ugu korniinka badan xagga dhaqaalaha adduunku ay ku yaallaan qaaradda Afrika, gaar ahaan inta ka hoosaysa Saxaaraha. Dhawr waddan oo ku yaal qaaradda Afrika ayaa illa hadda intii ka danbaysay 2007 ku guulaytsay in dhaqaalaha calaa qof soo galaa ka bato boqolkiiba 5%. Saambiya ayaa ka mid ah waddamadan.
Waddamo badan oo kale oo ku yaal Afrika oo dhaqaalahooda iyo hantidooda qofeed kor u kacday shantii sannadood ee u danbeeyay ayaa jira. Angola ayaa ka mid ah waddamadan. Waxa kale oo ka mid ah Koongo, Lesooto, Malaawi, Itoobiya, Nayjeeriya, Ruwaandha iyo Tansaaniya.
Tobanka waddan ee xagga Tiknoolojiyadda ugu horreeya qaaradda Afrika:
-
Koonfur Afrika
-
Masar
-
Nayjeeriya
-
Kiiniya
-
Gaana
-
Ruwaandha
-
Botuswaana
-
Angoola
-
Yugaandha
-
Simbaabwi
Tobanka waddan ee ugu horumarsan qaaradda Afrika:
-
Waddanka Sishiilis
AFRIKA: Qaaraddii Rejada W/Q:Muna Axmed Cumar
Sida ay baadheen, darseenna aqoonyahannada ku midoobey degelka africaran king, waxa .................