Wixii kala Qabsaday Ninkii iyo Waraabihii waa taxanihii Buuga Diiwaanka Sheekada / Waa Qalinkii Abwaan ibraahin Xamai

0
Tuesday May 13, 2014 - 23:46:33 in by Cerigabo Office
  • Visits: 2181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wixii kala Qabsaday Ninkii iyo Waraabihii waa taxanihii Buuga Diiwaanka Sheekada / Waa Qalinkii Abwaan ibraahin Xamai

    Haddii aanad ahayn Qoraa u faa'iideeya Dadka kale Noqo Akhriste u faa'iideeya Naftiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii aanad ahayn Qoraa u faa'iideeya Dadka kale Noqo Akhriste u faa'iideeya Naftiisa

NINKII IYO WARAABIHII

 

Beri ayaa waxaa jiray nin reer miyi ah oo xoolo badan leh ninkii reer miyiga ahaa ayaa waxaa bartay waraabe, waraabuhu waxa uu u soo dhici jiray adhiga dabadeedna waxa uu qaadan jiray habeenba neef.

 

Maalintii dambe ayaa ninkii iyo xaaskiisi u tashadeen waraabihii in hog looga qodo waraabaha halka uu habeen walba la cararo neefka marka uu qaato dhabahaa uu samaystayna hog wayn oo dabin ah looga qodo dabadeedna lagu dilo.

 

Ninkii iyo xaaskiisi waxay si wada jir ah u qodeen hoggii, ileen bahal ceedhin ma daayo nina caadi ma baajo’e waraabihii wuu iska soo arooray sidii caadada u ahayd oo waxa uu u dhacay xeradii adhiga kadibna waxa uu qaatay neefkii u qornaa waxaanu la cararay wadadii uu bartay.

 

Ninkii guriga lahaa markii uu ku toosay waraabihii iyo qayladii ayaa uu isagoo dhalalawsan ka daba cararay waraabihii niyadiisana way ka baxday in ay shalay hog qodeen oo dabin la dhigay waayo wuu dhalalawsanaa dabadeedna ninkii iyo waraabihii oo is eryanaya ayaa hoggii ku wada dhacay.

 

Waraabihii markii uu arkay in uu dabin ku dhacay ninkii oo ardayaana uu ka soo daba galay ayaa uu is yidhi "wallee waata caawa lagu dilay” dabadeetana inta uu neefkii sitay tuuray ayaa uu isku qaaday gidaarkii hogga oo fantay laakiin nasiib darro markasta oo uu isku qaado gidaarka dib ayaa uu u soo dhacayay waayo hogga ayaa dheeraa.

 

Waraabihii markii uu gidaarkii mar iyo laba fantay ee uu ka soo dhacay ayaa uu ninkii fikiray oo yidhi "waraabuhu hadii uu ku guul daraysto dadaalkiisan oo uu hogga ka bixi kari waayo wuu is difaacayaa oo wuu kugu soo jeesanayaa dabadeedna wuu ku cunayaa ileen wax fara lab ah ma sidatide”

 

Waraabihii markii uu mar sadexaadkii isku qaaday gidaarkii ayaa uu ninkiina soo cararay oo waliba sii badhi taaray waraabihii, gabadhii oo iyana daba ordaysay ayaa u timi waraabihii lagu ballan sanaa in la dilo oo hoggii ka soo baxaya iyo ninkii oo waliba soo badhi taaraya.

 

Markaasay qaylisay oo tidhi "waar waa sidee waar bahalka dil” ayay ku celcelisay gavadhii

 

Markaasuu ninkii isaga oo is leh yaa balaayadan ilaahay hogga kuugu riday mar uun kaa saara ugu jawaabay gabadhii naa ka horbayd bahalka waanu heshiinay oo mar kale soo noqon maayee.

WAA QALINKII IBRAAHIN XAMARI