Hordhaca Kulamada Europa League Ee Caawa: Liverpool & Man United Oo Markii Ugu Horeysay Abid Taariikhda Isku Arkaya Tartamada Yurub.

0
Thursday March 10, 2016 - 09:29:27 in by salman abdi
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca Kulamada Europa League Ee Caawa: Liverpool & Man United Oo Markii Ugu Horeysay Abid Taariikhda Isku Arkaya Tartamada Yurub.

    Kulanka: Liverpool v Man United Lugta Hore Wareega 16ka Europa League Garoonka: Anfield Waqtiga: 11:05pm Saacada Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Liverpool v Man United Lugta Hore Wareega 16ka Europa League Garoonka: Anfield Waqtiga: 11:05pm Saacada Geeska Afrika


Mid ka mid ah kulamada ugu xafiiltanka xun kubada cagta Ingariiska ayaa caawa ka dhacaya masraxa Yurub iyadoo Liverpool ay ku martigelineyso Manchester United garoonka Anfield lugta hore ee wareega 16ka ee Europa League.

Louis van Gaal ayaa noqon kara tababarihii ugu horeeyay ee Manchester United ee shan kulan oo isku xigta ka badiya Liverpool caawa, isagoo kooxdiisa ay durbaba garaacday Reds labadii kulan ee Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Goolkii uu akoonka ku furtay Anthony Martial ayaa ka caawiyay Red Devils inay 3-1 kaga badiso Liverpool kulankii Old Trafford ee bishii September halka Wayne Rooney uu noqday geesiga kulankii Anfield isagoo dhaliyay goolka kaliya ee ay kooxdiisa ku badisay bishii Janaayo.

Labo gool uu dhaliyay Marcus Rashford ayaa ka caawisay Man United inay wadar ahaan wareegii hore ku garaacdo 6-3 kooxda FC Midtyjlland, halka rigoore uu dhaliyay James Milner ay ka saaciday Liverpool inay ka soo gudubto kooxda Bundesliga ka ciyaara ee Augsburg.

MAXAA KA CUSUB?

Weeraryahan Daniel Sturridge ayay u badan tahay inuu ku soo laabanayo shaxda kooxda Liverpool halka daafaca midig Nathaniel Clyne la filayo inuu booskiisa ka soo ceshado Jon Flanagan kaasoo aan u diiwaangashaneyn inuu ciyaaro tartanka Europa League.

Xiddiga khadka dhexe James Milner ayaa shaki uu ku jiraa ka dib markii laga fasaxay tababarka oo loo ogolaaday inuu gurigiisa aado xumad soo wajahday darteed.

Jesse Lingaard ayaa ganaax kaga maqan manchester United, xiddiga kale ee garabka ka ciyaara Adnan Januzaj ayaan xilli ciyaareedkan Europa League u ciyaari karin Man United laakiin Antonio Valencia ayaa la filayaa inuu ka qeyb qaato kulanka caawa ka dib dhaawac cagta ka soo gaaray.

Wayne Rooney, Ashley Young, Will Keane, Luke Shaw, Bastian Schweinsteiger iyp Phil Jones ayaa dhamaantood seegaya kulanka caawa ee Anfield.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool(4-3-3): Mignolet; Clyne, Lovren, Sakho, Moreno; Can, Henderson, Lallana; Firmino, Sturridge, Coutinho

Man United(4-2-3-1): De Gea; Darmian, Smalling, Blind, Rojo; Herrera, Schneiderlin; Martial, Mata, Depay; Rashford.

MA OGTAHAY?

  • Kulankaan waa kulankii ugu horeeyay abid ee ay labadaan kooxood isku arkaan tartamada Yurub.
  • Manchester United ayaa badisay kulan kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ay ka horyimaadeen Liverpool intii uu Van Gaal macalin u ahaa.
  • Manchester United ayaa ka badisay Liverpool shantii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan.

Kulamo kale oo xiiso leh ayaa la ciyaarayaa lugta hore ee wareega 16ka ee Europa League caawa, kooxda Borussia Dortmund ayaa caawa 9pm Saacada Geeska Afrika waxa ay garoonkeeda Iduna Park ku soo dhaweyn doontaa kooxda Ingariiska ee Tottenham.

Isla waqtigaas kooxda koobkaan difaacaneysa ee Sevilla ayaa u safri doonta kooxda Switzerland ka dhisan ee FC Basel, halka kooxda Turkiga ee Fenerbahce ay soo dhaweyn doonto kooxda Sporting Braga, Sakhtar Donestk iyo Anderlecht ayaa iyagana isku balansan.

Saacada Geeska Afrika marka ay tahay 11:05pm waxaa iyagana ciyaari doona kooxaha reer Spain ee Athletic Bilbao iyo Valencia, waxaa sidoo kale ciyaaraya Bayer Leverkusen oo u safraysa kooxda Villarreal, Sparta Prague ayaa iyagana soo dhaweynaya kooxda Talyaaniga ee Lazio.




Isha Ku Hay Afkashacabka