
Wasiir Cukuse oo Markale Ka hadlay Odayaal Dhaqameedka Jooga Hargeysa xilli uu ka dhoofayey Madaarka Cigaal
"Hoggaamiyayaasha Dhaqanku Waa Marti, In Lagu Yidhaahdo Erayo Aan Afkayga Kala Xishoonayaana Asluub Fiicaan Maaha" Wasiir Cukuse
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo wefti xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambo-baxay cariga Ingiriiska.
Wasiirka oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa sidoo kale ka hadlay odayaal dhaqameedka reer Muqdisho ee booqashada ku jooga Hargeysa.
Wasiirka oo ugu horeyn ka hadlaya ujeeddada safarkiisa ayaa yidhi "Waxaanu u ambo-baxaynaa Magaalada London, waxaanu ka qayb-galaynaa xuska 18-ka May, maalinta xornimada Somaliland, maalintaasi oo meel kasta oo reer Somaliland ku sugan yihiin si weyn looga xusayo, sanadkana waliba aadbaynu u xuseynaa…”ayu yidhi
Wasiirku waxa kale oo uu hadlay odayaal-dhaqameedka reer Soomaaliya "Hoggaamiyayashaasi waa hoggaamiyayaal dhaqan, innaguna ummad Islaam ah ayaynu nahay, dhaqanna waynu leenahay, ka Soomaaliga ah iyo ka carabka ah iyo cid kasta oo danteennu gasho ama aanay gelin ee aynu derisnimo iyo Islaamnimo kulanno waxaynu u xushmaynaynaa sida bani-aadaminimadu ina fareyso, asluubbeyna leedahay marka qofku gurigaagu jooga lagula hadlo, asluub lagula dhaqmo, laakiin erayada qaarkood oo aan annigu ka xishoonayo inaan afkayga ka idhaahdo in qof marti ah lagu yidhaahdaa asluub fiican maaha..”ayuu yidhi.
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com





0 

Wasiir Cukuse oo Markale Ka hadlay Odayaal Dhaqameedka Jooga Hargeysa xilli uu ka dhoofayey Madaarka Cigaal
"Hoggaamiyayaasha Dhaqanku Waa Marti, In Lagu Yidhaahdo Erayo Aan Afkayga Kala Xishoonayaana Asluub Fiicaan Maaha" Wasiir Cukuse