Shir Lagaga Tashanayo Ka qaybqaadashada Dhismaha Waddada Ceerigaabo oo lagu Qabtay Magaalada Minneapolis ee Carriga Maraykanka

0
Wednesday May 14, 2014 - 08:20:34 in by salman abdi
  • Visits: 1198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Lagaga Tashanayo Ka qaybqaadashada Dhismaha Waddada Ceerigaabo oo lagu Qabtay Magaalada Minneapolis ee Carriga Maraykanka

    Jaaliyada Somaliland ee Ku dhaqan magalada Minneapolis ayaa maalintii Shalay ee Taarikhdu ahayd 5/12/2014 Ku qabsaday shir balaadhan oo aad looga soo qayb galay kaga wada hadlay arinta wadada Ceerigaabo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaaliyada Somaliland ee Ku dhaqan magalada Minneapolis ayaa maalintii Shalay ee Taarikhdu ahayd 5/12/2014 Ku qabsaday shir balaadhan oo aad looga soo qayb galay kaga wada hadlay arinta wadada Ceerigaabo,

Shirka waxaa kasoo qayb galay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada rag Iyo dumar dhalin yaro Iyo wayeelba, shirka waxaa kasoo qayb galay madax fara badan oo uu hogaaminayey Wasiiru Dawlaha Maaliyada Mudane Cisman Saxardiid Iyo Gudoomiyaha gudida qaban qabadii shirka Kulmiye. Mudane Abuukar Xaamud Jibriil.iyo Jama hiirad oo ka waramay xaalada dalku hada marayo iyo horu marka dalkii ka socda hada.

Waxaa shirka lagu furay sidiidhaqan kaIslamka ahayd Aayadaha Quraanka. Kadib waxaa shirka lawareegay Xoghayaha Xisbiga Kulmiyeee America Mustafa Danshood oo Shirka xidhiidhinayey. Halkaas oo uu ka akhriyey agendaha shirka Iyo ujeedada ay shirkan usoo abaabuleen.

Kadib waxaa lagu soo dhaweeyey cod tabiyaha Wasiiru Dawlaha maaliyada Mudane Cisman Saxardiid. Halkaas oo uu qudbad aad u Dheer Iyo waraysi Ku saabsan wadada ceerigabo uu Wasiiru kasoo jeediyey. Aadna ugu dheeraday wadada ceerigabo baahida loo qabo Iyo sida ya xukuumada Axmed Maxamed Maxamoud Silaanyo ay uga go'antahay inay ka midha dhaliso dhisida wadada Ceerigaabo Iyo dhamaan wadooyinka dalkoo dhan. Waxaa isna halkaa ka hadlay Oday Jamac Ducaale oo kamida odayasha magaca Iyo mamuuska Ku leh bulshada Reer Somaliland ee Ku dhaqan Cariga America. Oday Jamac isna waxuu ugu horayn u Mahad naqay dhalin yaradii soo qaban qaabisay xaflada quruxda badan Mudane Axmed Abdullahi Ali Jemeli Iyo Mudane Mustafe Danshood. Sidoo kale isna waxuu ka sheekeyey baahida loo qabo wadada ceerigabo Iyo caqabadaha wada xumo ee Ku xeeran dadka reer Ceerigaabo.
S
Xaflada waxaa yana sidoo kale ka wada hadlay gudoomiyayasha Xisbiyada Kulmiye Abdilahi BulaaleIyo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Iyo odayal Iyo dhalinyaro badan oo dhamaantood Ku dhiiri galiyey in wadada loo wada midooba maskax Iyo jeeba. Ugu danbayntii waxaa loo balamay in shir danbe oo degdeg la isugu yimado sidoo kale waxaa la isla qaatay in la sameeyo NGOwadada loogu Adeego wajiyo badana looga dagaal galo arinka wadada balaadhan ee Isku xidhaysa Burco Iyo Ceerigaabo.
Ugu danbayntii waxaanu Kuboorinayanaa dhamaan shacabka Reer Somaliland ee Ku dhaqan Cariga America inay dhamaantood ka qayb qaatan tabaruca wadada Isku xidhaysa Burco Iyo ceerigabo Iyo dhamaan wadooyinka dalkoo dhan.



Ilaah baa Mahad iska leh.
Gudidii shirka soo qaban qaabisay.
Axmed Abdullahi Ali Jemeli
Mustafa Abdi daanshood