WAR DEGDEG AH CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND OO KU SII SIQAY DEGAANO HORE GACANTA UGU JIRAY MAAMULKA PUNTLAND

0
Friday February 14, 2014 - 23:07:31 in by Super Admin
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEGDEG AH CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND OO KU SII SIQAY DEGAANO HORE GACANTA UGU JIRAY MAAMULKA PUNTLAND

    Deegaanno ka tirsan gobolka Sool ayaa la sheegayaa in xilligan gacanta ay u galeen ciidammo ka tirsan Somaliland, waxaana ciidamadan maalmahan ay dhaq-dhaaqyo kale duwan ka wadeey gobollada Bariga Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deegaanno ka tirsan gobolka Sool ayaa la sheegayaa in xilligan gacanta ay u galeen ciidammo ka tirsan Somaliland, waxaana ciidamadan maalmahan ay dhaq-dhaaqyo kale duwan ka wadeey gobollada Bariga Somaliland


Dhowr guuto oo ciidamada Somaliland ka tirsan ayaa xilligan ku sugan deegaanka Kalabayr oo 28-km koonfur galbeed kaga beegan degmada Laascaanod, guddoomiyaha gobolka Sool ugu magacaaban Puntland arrintan xaqiijiyey.

Axmed Ibraahim Faarax (Faracade), wuxuu sheegay in ciidammo ka socda Somaliland ay si buuxda ula wareegen deegaanno dhowr ah oo ay ka mid yihiin Kalabaydh, Karin Dabayl Wayn, Dharkeyn Geenyo iyo tuulooyin kale oo dhammaantod kawada tirsan gobolka Sool.

Guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland wuxuu uu intaas ku daray in ciidamada xilligan isku ballaariyay deegaannada ay yihiin ciidammo si weyn u xooggan oo ka yimid magaalada Hargeysa.

"Ma ahaa wax cusub in ciidammo Somaliland ka tirsan ay qabsadaan deegaanno gobolka Sool ka tirsan horay Laascaanood ayaa gacantooda ugu jirtay, xilligan waxaan idiin xaqiijinaynaa in ciidammo si weyn u hubaysan ay la wareegen deegaanno gobolka Sool ka tirsan,” ayuu yiri Axmed Faracade.

Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay mas’uulkan in wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaannada xilligan ciidamada Somaliland ay soo gaareen, isagoo sheegay inay si nabad ah ula wareegen oo aysan la kulmin wax iska caabin ah.

Qabsashada deegaanada cusub ayuu ku sheegay guddoomiyuhu Axmed Fara-cadde mid gar-darro ah oo ay Somaliland ku dan-daansanayso Puntland.

Dhinaca kale, Axmed Ibraahim wuxuu beeniyey warar soo baxayay oo sheegay in ciidammo ka tirsan Somaliland ay madaxweyne xigeenka Puntland, C/xakiim Cabdulaahi (Camey) ka hor-istaageen safar uu ku tagi laha degmada Buuhoodle oo deegaan ahaan uu kasoo jeedo.

Puntland iyo Somaliland waxay ku muransan yihiin maamulka gobolka Sool iyo deegaanno ka tirsan, waxaana labada dhinac ay sheegtaan in maamulidda deegaannadaas ay iyagu leeyihiin.

Dhaq-dhaaqyada cusub ee ciidamada Somaliland ayaa ka dhigaysa mid soo cusbooneyn karta xiisada labada maamul u dhexeysa ee ku aaddan maamulidda gobollada ay isku haystaan.

Ma jiro wali wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda sare ee Puntland iyo Somaliland, lamana garan karo jawaabta ay bixin doonto Puntland maadaama deegaanno cusub ay qabsadeen ciidanka Somaliland sikastaba ahate bishii hore dhamaadkeda ayay ahayd mar uu madaxwaynaha cusub oo ku dhawaaqay in ay qabsandonan deeganao kamida Somaliland 


Afkashacabka.com

Lascanood/ Office 

Soomaliland