
Xeer-Ilaalinta Gobolka Maroodijeex Oo Gubtay Lacag Foojari Ah Oo Lagu Soo Qabtay Nin Itoobiyaan Ah
Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi jeex ee Hargeysa, ayaa maanta gubtay Lacag Foojari Dollar ah oo gaadhaysa Labaatan Kun oo Dollar..
taas oo lagu soo qabtay nin Itoobiyaan ah oo dalka ka soo galay dhica xadka Wajaale.
Guddoomiyaha Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodijeex Axmed Mire, ayaa sheegay inay ninkaasi ku soo qabteen isaga oo isticmaalaya lacagtan oo dadka ku khaldaya, ka dibna ay Maxkamaddu ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo shan Milyan oo lacagta Somaliland ah.
Guddoomiyaha, ayaa waxa uu dadweynaha uga digay inay iska ilaaliyaan dadka noocaas oo kale ah oo haddii ay arkaan ay soo sheegaan, kuwaas oo uu tilmaamay inay khatar ku yihiin dakhliga dalka iyo hab sami u socodka ganacsiga "Lacagtaas faalsada ah ee khatarta ah, waxaanu dalka uga digaynaa lacagtaas faalsada ah, lacagtiina waanu gubnay oo waxa ay dhamayd Labaatan kun oo Dollar oo lagu soo qabtay Nin Itoobiyaan ah oo dalka ka soo galay dhinaca Wajaale, Ninkaasi lacagtan dhawr qof ayuu ku khalday oo markaas ayaa la ogaaday, isaga oo isticmaalayey lacag kale oo uu dhex galinayey oo marka uu Boqol Dollar oo hagaagsan bixiyaba raacinayey mid Foofaji ah, markaas waa la soo sheegay oo sidaas ayaa lagu soo qabtay”
Axmed Mire oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi raaciyey "Ninkaas Maxkamaddu waxa ay ku xukuntay Hal Sanno oo xadhig ah iyo Shan Milyan oo ganaax ah, lacagtiina waanu gubnay iyada oo ay dadku wada arkayaan, dadkana waxaanu leenahay ka tigtoonaada falalka noocan oo kale ah”
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com





0 

Xeer-Ilaalinta Gobolka Maroodijeex Oo Gubtay Lacag Foojari Ah Oo Lagu Soo Qabtay Nin Itoobiyaan Ah
Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi jeex ee Hargeysa, ayaa maanta gubtay Lacag Foojari Dollar ah oo gaadhaysa Labaatan Kun oo Dollar..