
"Waxaanu ka qeyb galnay shir laga hadlayay horumarinta dhaqaalaha adduunka Nasiib wanaag ayay noo ahayd inaanu ka qayb-galno"WASIIRKA GANACSIGA
Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr; Maxamed C/laahi Cumar, ayaa ka warbixyay shir ay magaalada Abuja ee dalka Nigeria kaga qayb galeen isaga iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirka Ganacsiga oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa faahfaahiyay socdaalkii ay ku tageen dalalka Imaaraadka Iyo Nigeria, waxaanu yidhi "Waxaanu ka qeyb galnay shir lagu qabtay magaalada Abuja ee caasimada dalka Nigeria, waxaanu ahaa shir laga hadlayay horumarinta dhaqaalaha adduunka, waa shir si joogta ah dunida kolba dal loogu qabto, waxa la yidhaahdaa (world economic forum) ama shirweynaha horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha adduunka, sanadkan waxa diirada lagu saarayay qaarada afrika horumarkeeda, horumarka dhaqaale ee ka socda iyo caqabadaha horyaala sidii wax looga qaban lahaa.”
"Afrika sida laga war-qabo waa qaarad imika dhaqaalaheedu aad u soo korayo hase yeeshee, waxaanay wali Afrika ku guulaysan in dadka wax haysta iyo kuwa aan wax haysan la yareeyo farqiga u dhexeeya, waana arrin ay horeba u soo mareen dawladaha horumaray-ba,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.
Wasiirka Ganacsiga oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi "Waxa kale oo dhibaato ka haysataa xagga shaqo abuurka dhalinyarada arrimahaas ayaa xoga la saarayay. shirka waxaa ka soo qayb galay dalal badan oo illaa 60 dal gaadhaya, madaxweynayaal iyo shirkadaha waaweyn ee ganacsiga.”
Wasiirku waxa uu tilmaamay inuu shirkaasi fursad u ahaa xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi "Nasiib wanaag ayay noo ahayd inaanu ka qayb-galno Somaliland ahaan aniga Wasiirka arrimaha dibadda ayaa ka qeyb galnay, waxaana noo suurta gashay inaanu kulamo gaar ah la yeelano hogaamiyashii shirkadaha waawayn ee dunida ka socday ee shirkaa ka soo qayb galay oo aanu u bandhignay siyaasada dhaqaalaha maal-gashiga si loogu soo jiito maal-galiyayaal caalami ah.”
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com





0 

"Waxaanu ka qeyb galnay shir laga hadlayay horumarinta dhaqaalaha adduunka Nasiib wanaag ayay noo ahayd inaanu ka qayb-galno"WASIIRKA GANACSIGA
Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr; Maxamed C/laahi Cumar, ayaa ka warbixyay shir ay magaalada Abuja ee dalka Nigeria kaga qayb galeen isaga iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis.