
Ururka VOSOMWO oo Xukuumadda iyo Golayasha ugu baaqay inay Kooto cayiman Kuraasta Dalka ka siiso Beelaha La haybsoco

Ururka Codka Haweenka Beelaha La haybsooco Ee VOSOMWO ayaa Kulan baladhan oo lagaga hadlayay Sidii ay Beelaha la Haybsoco kuraas cayiman uga heli lahaayeen siyaasadda Dalka Gaar ahaan Golayasha Barlamanka iyo Degaanka ku qabtay Hotel Barwaaqo ee Magaalada Burco.
Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen Badhasabku Xigeenka gobolka
Togdheer Mr.ubaxle Xildhiban Kayse Cabdi Rage oo kamid ah Golaha Deganka
Burco,Madaxdhaqamedka , hawenka iyo Dhalinyarada Beelaha La haybsooco, Masuliyinta
Ururka Vosomwo iyo martisharaf kale.
Goddoomiyaha Ururka Codka Haweenka Beelaha La haybsooco ee Vosomwo Marwo Nimco Iid Salaan oo ugu horayn halkaasi ka hadashay ayaa ka sheekaysay Muhiimada kulankani Xambaarsanyahay iyado Madaxwaynaha Somaliland na ku Canaanatay sida uu khudbadiisii uga reebay kooto ay xaq u leeyihiin Beelaha la haybsooco, isagoo bay tidhi si gaar ah ugu soo qaatay haween weynaha Somaliland balse anu mar qudha soo hadalqaadin qaddiyada Beelahani, Waxay Xukuumadda Madaxweyne siilanyo iyo golayaasha qarankaba ugu baaqday inay kotada uu ogaladaan, kana hawlgalan sidii ay beelahani u heli lahaayen koto cayiman, waxana hadaladeedi kamid ahaa " Kulankani waxa uu kamid yahay kulanada aan ku qabanayno dhamaan gobolada dalka taas oo aan ku wacyigalinaynay beelaha laga tirade badan yahay siday uga qayb qaadan lahayeen hormarka iyo ka qaybgalka talada Dalka waxaan aad iyo aad uga xunahay hadaladi dhawaan ka soo yeedhay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxmed Silanyo ee ku saabsanayd arinka kotada ee uu kaga hadlay laba meelood oo wayan oo kale ahaa Khudbad sanadeedkiisi uu ka jeediyay aqalka barlamaanka iyo shirwaynahi Kulmiye waxa uu ku sheegay in la ansaxiyay kotadi Dumarka lakiin soomu hadal qaadin beelaha laga tirade badan yahay waxana uu kukoobay Haweenka oo kaliya arinkasina waxa ay nagu abuurtay niyad jab wayn iyo walwel dheraada waxana u aragnaa arinka kotada inay tahay ta qudha ee aan kaga qayb qadan karno siyasada ama kurasta Talada Dalka anaga oo istijaabinay inaan ku soo baxi waynay dorashooyinkii tooska ahaa” ayay tidhi..

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Badhasab ku xigeenka Gobolka Togdheer Mr Ubaxle oo sheegay
inuu ururkan had iyo jeer kasheeqeyo sidii ay xaqooda u heli lahaayeen Beelaha
la haybsooco , waxanu wax ka yidhi arinkan kotada , isago ugu baaqay Beelaha la
haybsooco inay aaminaan oo ogsoonaadaan in dadka oo dhan ay isku mid yahiin oo
anay cidna hoosaynin ama sarraynin ee
qarankan loo simanyahay iyaguna ay
markasta ku dadaalaan inay dadka wax la qaybsadaan .
Waxa iyana halkaasi ka hadlay xildhibaan kayse Cabdi raage oo kamida xildhibanada golaha degaanka Burco iyo Xubno oday dhaqameed ah oo kamida odayasha belaha la hayb soco eek u dhaqan magalada burco kuwasoo si wada jira uga hadlay kootada iyo faaidada ay u leedahay waddanka iyo beelaha la haybsooco intaba, iyaga oo ugu baaqay Beelaha la haybsooco inay ku dadalaan dhanka aqoonta oo ay kula tartamaan dadka kale aqoon iyo cilmi, si ay wax ula qaybsadaan Hadii ay naqoto Hormar ama kuraasta Talada Dalka.
Maaha Markii u horeysay ee kulan noocan oo kale ah Ururkani VOSOMWO uu ku qabto Gobolkani Togdheer, waxana kulankani ka mid ahaa Kulano wacyigelin ah oo inta badan ururkani ka fuliyo Gobolada Dalka.



Afkashacabka.com
Burco /Office
Contact@afkashacabka.com





0 

Ururka VOSOMWO oo Xukuumadda iyo Golayasha ugu baaqay inay Kooto cayiman Kuraasta Dalka ka siiso Beelaha La haybsoco
iyagoo kulan wacyigelin ah na ku qabtay Burco Madaxweyne Siilaanyona ku canaantay sida anu ugu soo qaadin khudbadiisa qaddiyada Beelaha la haybsoco